Salva Kiir Oo Cambaareeyey Qaramada Midoobay

105silver

Salva Kiir Oo Cambaareeyey Qaramada Midoobay

Juba, January 22, 2014 (W.Wararka)_ (SLM)_ Madaxweynaha K. Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay taageeraan fallaagada uu hogaamiyo Riek Machar.

Kiir ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay qarinayso fallaagada, oo uu sheegay in ay hubkoodii la galeen xeryaha ay maammusho UN-ta.

Goor sii horreysay ayay ciidamada dowladda South Sudan sheegeen in ay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Malakal, kaddib maalmo uu dagaal halkaasi ka socday.

Balse xoogaga mucaaradka ayaa sheegaya in ay weli iyagu gacanta ku hayaan magaalada.

Magaalada Malakal ayaa ah meesha laga galo gobolka shidaalka hodanka ku ah ee Upper Nile.

Ku dhowaad nus malyuun ruux ayaa ku barakacay dagaalka muddada bisha ka socday Koonfurta Suudaan.

Ciidammada dowladda ayaa horey u qabsaday magaalooyinka istiraatiijiga ee Bor iyo Bentiu, halkaas oo mucaaradku haysteen.

Magaalada Bor ayaa la sheegayaa inay gebi ahaanba burburtay.

Wadahadallo labada dhinac uga socday magaalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya ayaan wax natiijo ah laga gaarin.

Weriyayaasha waxay sheegayaan inay wadahadalladu istaageen iyadoo dhinacyada ay doonayaan inay guulo militeri gaaraan.

Mucaaradka ayaa dalbanaya in la sii daayo dhamaan maxaabiista siyaasadeed, ka hor intaan la gaarin heshiis xabajoojin.

Dowladda K. Suudaan waxay ku adkaysanaysaa in madaxda xiran la hor gayn doono maxkamad.

Madaxweynaha K. Suudaan, Salva Kiir Mayardit, ayaa ku baaqay in colaada la joojiyo, kaddibna uu dalka u diyaar garoobi karo doorashooyin sanadka 2015-ka.

Waxaa uu sheegay inuu cafin doono kuxigeenkiisii hore ee madaxa u ah fallaagada “hadii uu soo noqdo”

(laaqalo)