Samuel Eto’o Oo Seddexleey Dhaliyay Xilli Chelsea Ay Stamford Bridge Cashar Ugu Dhigtay Man United

Samuel Eto’o Oo Seddexleey Dhaliyay Xilli Chelsea Ay Stamford Bridge Cashar Ugu Dhigtay Man United
88chelsea

Seddex gool uu dhaliyay Samuel Eto’o ayaa ka caawisay Chelsea inay gurigeeda chashar ugu dhigto kooxda Manchester United oo ay ku garaaceen 3-1 iyadoo tababare Jose Mourinho la burin la’ yahay burhaantiisa Stamford Bridge.

Chelsea ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 17aad markii Eto’o uu si xarago leh uga soo galay dhanka midig, waxaana uu kubada si sahlan kula dhaafay Phil Jones, isagoo damcay inuu darbo la beegsado goolka waxaana ay ku dhacday lugta Carrick ka hor inta aysan shabaqa meel kore ka gelin.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayaana Chelsea ay sii dheereysatay hogaanka markii kubad uu soo dhigay Cahill uu goolka afkeeda hore ku helay Eto’o kaasoo isna si habsami leh u dabamariyay goolhaye De Gea.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Blues, laakiin Eto’o oo kulankaan wacdarro dhigay ayaa dhameystirtay seddexleydiisa daqiiqadii 49aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta.

Kubad madax aheyd uu helay Cahill ayaa waxaa si qalqiil ah ku soo bixi De Gea laakiin waxaa ku celiskii ka faa’ideystay Eto’o oo shabaqa cusjiyay.

Samuel Eto’o ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeysay ee Chelsea ee seddexleey ka dhaliya Man United tan iyo markii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League waana xiddigii afaraad guud ahaan ee United seddex gool ka dhaliya Premier League ka dib Lukaku markii uu joogay West Brom, Kuyt iyo Bentley.

Manchester United waxaa daqiiqadii 78aad gool u soo celiyay Javier Hernandez oo bedel ciyaarta ku soo galay, ka dib markii Welbeck uu kubad ka soo shaqeeyay iyadoo Jones isna uu sii taabtay ka hor inta uusan Chicharito dhameystirin.

Red Devils ayaana ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan markii daqiiqadii 1aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray uu casaan ka qaatay Nemanja Vidic kaasoo qalad ku galay Eden Hazard.

Shantii jeer ee uu casaan Vidic ku qaatay Premier League labo waa Chelsea seddexna Liverpool.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Chelsea ku qaarjisay Manchester United, iyadoo guushaan ay ka dhigeyso in Blues ay weli ku dabajirto kooxaha Arsenal iyo Manchester City oo labo iyo hal dhibic kaliya ay ka sareeyaan.

Mourinho ayaana kulankaan ay u aheyd kulankiisii 100aad ee Premier League uu guul gaaro 142 kulan uu ciyaaray horyaalka Premier League.

Man United ayaa iyadana baaqi ku ah kaalinta 7aad iyagoo leh 37 dhibcood, waxaana ay 14 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal iyadoo 22 kulan la ciyaaray horyaalka haatan.

Waa dhibcihii ugu hooseeyay ee Man United ay hesho waqtigaan oo kale horyaalka tan iyo intii Premier League loo bixiyay, Janaayo 19keeda marnaba ma aysan soo gaarin iyagoo kaalinta 3aad

(Laaqalo)