Shabaab oo caawa weeraray Ciidamada Amisom iyo Dowladda ee ku sugan Degmada Janaale

Daawo Muqaal:Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, oo shacabka reer Muqdisho uga digay in ay ka fogaadaan, Xarumaha Dowladda iyo Amisom.
Wararka laga helaayo Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in caawa ay ku wada dagaalameen Ururka Al Shabaab iyo Ciidanka Dowladda, oo kaashanaaya Ciidamada Amisom.Xoogaga Shabaab, ayaa weeraray fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin Control-ka Degmada Janaale, waxaana halkaasi ku dhex maray iska horimaad fool ka fool leh.

Shabaab oo laba garab isku qaybiyay kahor weerarka Janaale, ayaa waxa uu garabka 2-aad uu weeraray Ciidamada Amisom, ee fariisamaha ku leh dhinaca kale ee Degmada laga soo galo, oo xigta Deegaanada ay ka arrimiyaan Shabaabku.

Gudoomiyaha Degmada Janaale ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Idiris Cabdi, ayaa waxa uu goor dhow sheegay in Shabaabku ay laba jiho ka soo weerareen Degmadiisa, sida uu yiri.

Gudoomiyaha, ayaa xusay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay si xoogan isaga caabiyeen Shabaabkii soo weeraray, isla-markaana ay dib ugu celiyeen Deegaanadii, ay weerarka ka soo qaadeen.

Maxamed Idiris Cabdi oo la hadlay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo habeen la dagaalamay, ayuu hadana sheegay in berito ay soo bixi karayaan, khasaaro aynaan iminka ka warqabin, sida uu yiri.

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa joogto waxay weeraro kaga geystaan goobaha ay deggan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Salaanmedia/Mogdisho