Sheekh C/laahi Dalas oo ka tirsan Saraakiisha Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Degmada Afmadow ee Somalia

image

Sheekh C/laahi Dalas oo kamid ah Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee Jubbooyinka, ayaa wuxuu maanta uu isku soo dhiibay Maamulka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sheekh C/laahi Dalas, ayaa isku soo dhiibay Maamulka Kmg ah ee Jubba, markii uu ka tanaasulay in uu ka sii mid ahaado Ururka Al Shabaab, oo uu Caalamka u aqoonsan yahay urur argagaxiso.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Afmadow Aar Sheekh Cali, ayaa wuxuu sheegay in ay si diiran u soo dhaweeyeen Sarkaalka ka soo baxsaday Xoogaga Al Shabaab.

Taliyaha oo la hadlay Idaacada Bar Kulan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in muddooyinkaan ay soo badanayaan ragga ka tirsan Ururka Al Shabaab, ee isaga soo cararaaya, sida uu yiri.

Aar Sheekh Cali, ayaa wuxuu kaloo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in ay isaga soo baxdo Urur Diimeedka Al Shabaab.

Sheekh Dalas oo kamid ah Saraakiisha Shabaab ee sida weyn leh looga garanaayo Deegaanada Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxa weeyaan nin Deegaanka ka soo jeedo.

Maamulka Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka wax war ah kama aynaan soo saarin, ninka iska dhiibay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Salaanmedia/Mogdisho