Soomaalida South Sudan oo iska diiwaan gelinaysa Safaarada Somaliya ee Jubba (Daawo Sawirada)

Juba,8 January 2014 – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Juba ee South Sudan ayaa diiwaan-gelineysa dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Sudan ee ka cararaya goobaha dagaalada, doonayana inay dib ugu laabtaan dalka Soomaaliya, xilli la filayo diyaaraddii lagu daabuli lahaa ay soo caga-dhigato garoonka diyaaradaha Juba muddo maalmo kooban gudahooda.

Dad badan ayaa maanta saf dheer u galay albaabka hore ee Safaaradda oo ku taala Xaafadda Malakia, iyadoo si nidaamsan ay uga socoto diiwaan-gelinta xafiisyada Safaaradda ee howshaasi u idman .

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee South Sudan Ambassador H.E. Abdirahman Nur Mohamed “Dinari”, ayaa kula hadlay dadkaasi Soomaaliyeed gudaha dhismaha Safaaradda, waxa uuna yiri “ dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay idin balan-qaadeysaa inay idin soo dirto diyaaraddii seddexaad si ay u qaado tiro rakaab ah oo dhan 131 ruux oo Soomaali ah, waxaanu sidoo kale Safaaradda ka furnay buugga diiwaan-gelinta hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la boobay ama ku luntay dagaalada , si Safaaradda u raad-raacdo, una daba-gasho”.

Danjire, Abdirahman Dinari ayaa waxa uu xusay in safaaradiisa lagu soo wargeliyay dhacdooyin la xiriira boob gaadiid , badeecooyin iyo rugo ganacsi oo Soomaalidu leeyihiin, waxaana uu ka codsaday dadka dhacdooyinka noocaas la kulmay inay xogaha ay hayaan iyo qaabka dhibka uu ku helay ay u qoraan Safaaradda si loo suura-geliyo dabagelidda arrinkaasi iyo furidda dacwado la xiriira.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Juba – South Sudan, Ambassador H.E. Abdirahman Nur Mohamed “Dinari” ayaa u mahad celiyay Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Gudoonka Baarlamaanka,Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda kaalinta balaaran ee ay ka qaateen kireynta diyaarad lagu daabulo dadka Soomaaliyeed ee ka baxsanaya goobaha colaada ee dalka South Sudan, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay Maamulka shirkadda Daallo Airlines sida ay u ogolaadeen in diyaaradooda loo kireeyo soo daabulida dadka ku go’ddomay dagaalada.