Taageerayaal Tiro Badan Oo Ka Soo Jeeda Bariga Burco Oo Ku Biirey Xisbiga Wadani

Taageerayaal Tiro Badan Oo Ka Soo Jeeda Bariga Burco Oo Ku Biirey Xisbiga Wadani

wadani
Burco 22/01/2014(Salaanmedia.com)-Cuqaal,Waxgarad,Dhalinyaro iyo haween kasoo jeeda Beesha

Bariga Burco oo ka digarogtay Xisbiga Kulmiye ayaa si rasmi ah ugu biiray Maanta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.

Xaflad balaadhan oo taageerayaashan Xisbiga waddani u Qabtay,taasoo ka

dhacday Hotel Deero ee magaalada Burco ayaa waxaa kasoo qaybgalay

Madaxda Xisbiga wadani oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka koowaad

ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed, xildhibaano ka mida Golaha Wakiillada

oo Xildhibaan Rayte horkacayo iyo siyaasiyiin kale.

Gudoomiye Ku Xigeen Xisbiga wadani Axmed Muumin Seed oo Xafladaasi ka hadlay,Waxaanu soo dhaweeyay Taageerayaasha cusub Hadaladiisa waxaa ka Mid ahaa.

“Aad baan idiinku faraxsahay marhadii aad nagu soo biirteen Beeshiina

Barigu awalba Xisbiga waa ku jirteen maantana cududiina waanu

aragnaa,Xisbigan waxaad ka helaysaan Cadaalad oo maanta lag bilaabo

waynu u simanahay oo cidna lagama laha ee waa loo simanyahay”ayuu yidhi

Axmed Muumin Seed”

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani C/rashiid Riyaraac oo Xafladaas

ka hadlaya ayaa Dawlada ku dhaliilay wadahadalada ay la leedahay

soomaliya, isagoo dhanka kale Taageerayaasha soo dhaweeyay.

“Taageerada Bariga Burco ee Xubnaha Muhiimka ah ee xisbigan kusoo

Biirtaya waanu soo dhawaynaynaa Farxad gaar ah bay ii tahay,Kulmiye in

badan baa loosoo saqeeyay oo tacab badan baad soo galiseen Balanqaad

badan buu sameeyay,wixii la balan qaaday lama hayo,waxaan leeyahay

Xukuumada Markhaati ka noqonmayno in uu Wasiirka Qorshayntu yidhaahdo

Sideed iyo Tobankii Gobol ee Soomaaliya ayaa dadka lagu diiwaangalinayaa

aad ka mid tihiin,Markhaati ka noqnmayno oo yeeli mayno waxa turkiga

laga wado ee a in shalay la saxeexay in wax walba laga wadahadlo oo ay

ka mid tahay Gooni isu taagii Somaliland,Heshiisyadan iyo xaquqalinkan

ay dawaldu qaadanayaso ee shirkadaha la keenayo,waligiin miyaad aragteen

dawalda tidhaahda xaquqalin baanu qaadanaynaa,waad ogtiin dekadeenii

iyadaan cid lagala tashan in lasoo saxeexayo maxaa lagu

qaadanayaa,dhegysan mayno heshiis aan baarlamaan la gayn,Saaka waxaa

hadlayay madaxwaynihii Somaaliya waxa uu yidi Midnimada Somaliaya waa

muqadas Turkiga waxa laga wadaana waa Muqadas wax intaas ka sokeeya oo

laga wada hadlayaana ma jiraan,inagana qoladeenii intay soo noqotay bay

yidhaahdeen meeqaam sare ayaa nalagu soo dhaweeyay”,

Xildibaan Jaamac Xasan Aadan ,Xil.Rayte,Xildh.Xuseen Cige,Xoghayaha Guud

ee Wadani,Xasan Xuseen,Dr-Fadal,Agaasimihii Hore ee Ciyaaraha

Mr-Mustafe,Hinda iyo madaxkale oo Xisbiga ka tirsan ayaa dhamaantoodba

soo daweeyay taageerayaashan kusoo biiray Xisbiga wadani,waxaanay

sheegeen inay guul wayn u tahay Xisbiga.

Oday Cabdi Maxamuud Qaloonbi (Cabdi Cago) Yuusuf,Muj: Cawl,Aamina

Saado,oo ku hadlayay Tageerayashii iyo Madaxdii kusoo Biiray Xisbiga

wadani ayaa dhamaantoodba sheegay ina xisbigan ay kusoo digarogteen ay

awood iyo dedaalba isla barabar taagi doonaan kuna kalsoonyihiin inay cadaalad ka helaan.

Xisbiga Kulmiye ee ay Taageerayaashu ka soo guureen, ayaa Khilaaf

ragaadiyay qabsoomida shirweynihiisii 3-aad oo saddex jeer dib u dhacay

ilaa dabayaaqadii sanadkii hore
Taageerayaashan Ayaa Noqonaya Kuwii Uugu Badnaa Ee Ku Soo Biira Xisbiga Wadani Qaybtiisa Gobolka Togdheer.

(Ing Laaqalo)