Taariikh-yahankii weynaa Aw-Jaamac Cumar Ciise oo Jabuuti ku geeriyoodey

Taariikh-yahankii weynaa Aw-Jaamac Cumar Ciise oo Jabuuti ku geeriyoodey

 

awjaamac

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyoodey dalka Jabuuti Qoraa, taariikh-yahan iyo Suugaan ururiye aw-Jaamac Cumar Ciise. aw-Jaamac ayaa ka mid ahaa dadka tirada yar ee isku hawla in ay badbaadiyaan afka Soomaaliga waxaana uu kamid ah taariikhyahanada ugu waaweyn Soomaaliya.

Muddooyinkii u danbeeyey nolishiisa waxa uu ku qaatey dalka Jabuuti kadib markii uu halkaas dejiyey Madaxweynaha jabuuti ismaaciil Cumar Geele, si uu fursad ugu sii helo waddida shaqadiisi qoraaga ahayd.

Waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto aw-Jaamac ayaa ah Ururintii gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo taariikhdii Daraawiishta. aw-Jaamac ayaa ahaa nin si weyn u yaqaanaa diinta Islaamka isla markaana culimo badan wax ka soo akhristey. Cimrigiisa oo rabbi u barakeeyey ayaa hadda kor u dhaafayey 90 sano, waxaana uu ku dhashey baadiyaha magaalada Qandala.

Salaanmedia waxay TACSI u direysaa dhamaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Aqoonyahan aw-Jaamac Cumar Ciise, Rabbi denbigiisi hadhaafo janadii fardowsana haku marti qaado Aamiiiin.

Salaanmedia/Hargaysa