Thiago Motta Oo Kula Taliyay Juventus Inay Kaash Ku Bedelato Pogba

Thiago Motta Oo Kula Taliyay Juventus Inay Kaash Ku Bedelato Pogba
73juva

Thiago Motta ayaa kula taliyay Juventus inay qaataan kaashKa 60ka milyan euro ee ay PSG ku dooneyso Paul Pogba, isagoo yidhi: “Waxa ay u noqon laheyd heshiis fiican iyaga.”

Ciyaaryahankaan khadka dhexe ayaa Tuttosport kala hadlayay nolosha Paris iyo suurtogalnimada uu kooxda kula soo biiri karo Pogba.

“Waxaan rajeynayaa inaan heshiis cusub saxiixo. Waxaa inaga maqan waxyaabo yaryar, laakiin marxalada haatan la marayo wax walba si fiican ayay u dhici doonaan” ayuu yidhi Motta.

“Waan jeclahay Pogba, waxaana arimihiisa kala hadlay ciyaartoyda Juventus markii aan isku aragnay xulka qaranka Italy. Waxa uu leeyahay wax walba uu ku noqon karo ciyaaryahan sarre.

“Miyuu ku guuleysan karaa Ballon d’Or?” Iyadoo Leo Messi uu waqti xaadirkaan joogo waxaan dhihi waa wax aan macquul aheyn. Waxaan sidoo kale aaminsanaa in Messi ay aheyd inuu ku guuleysto abaalmarinta sannadkan halkii uu Cristiano Ronaldo ku guuleystay madaama uu ahaa xiddiga ugu fiican adduunka shan sanno.

“Haddii Pogba uu heshiis 60 milyan euro ku yimaado PSG, waxa ay heshiis fiican u noqon laheyd Juve. Ka dib markii ay kula soo wareegeen si xor ah, waxa ay awoodi doonaan inay ka sameeyaan faa’ido weyn iibintiisa. Juventus waa ay ku fiican tahay heshiisyada ceynkaan oo kale ah.”

(Laaqalo)