Warancaddow ma iishow Uf qabiilka aad tidhi hadduu adiga kuu uray, rag uunsadaa jira!!!

MAQAAL

“Gaarriyow Ma Iishow
Uf Qabiilkii Aad Tidhi
Haduu Adiga kuu Uray
Rag Ku Uunsada Jira..” Ibraahin Gadhle

Salaanta Islaamka ka dib, waxaannu jecelahay inaanu halkan hanbalyo uga dirro wasiir Cali-Warancadde oo war-baahinta  ka sheegay in hadda ka dib war-fidiyaasha Somaliland laga siideyn karin hadalo dhagar qabyaalladeed xanbaarsan, ciddii faafisana lagala noqon doono Ruqsadda. Hadalkaas oo aad loogu diirsaday,weliba inta samaha iyo sinaanta jeceli si gaara ugu diirsadeen oo u soo dhaweeyeen.

Waxaannu aad iyo aad ugu hanbayeenaynaa halkan muddane Cali-Warancadde oo ah masuul mudakara oo lagu yaqaan waddaninimo iyo inuu had iyo jeer wanaagga iyo walaaltinimada Somaliland ka shaqeeyo. Una heelan inuu waddankan yaree curdinka ah badhaadhe iyo horumar gaadhsiiyo.

Waxaannu leenahay muddane wasiir hanbalyo mug weyn ayaannu kuu soo direynaa, waxaad ka mid tahay ragga kooban ee siyaasiinta ah, ee aanu aadka ugu han-weynahay – haddii aanu shacabka Somaliland nahay.

Mudane Talaabadan aad ku dhaqaaqdeen xukuumad ahaan waa mid runtii aad u habboon loona baahnaa wakhtigan qabyaalladu xadhkaha goosatay ee ay dib u soo noolaatay.

Muddane wasiir haddii adiga dibindaabyada qabyaalladu ku dhibayso, sidaad idinba dareenteen qaar wax ma-garato ah oo ka baayac-mushtareeya ayaa jira. Waxa ay jecelyiin in qaranku marka uu talaabo hore u qaadaba, inuu labo talaabo dib u qaado. kol hadday sidaa tahay mudane annagu idinkaanu idin dooranay oo waddanka masuuliyadiisa qaaday,Mandate-na u haysta inaad dibindaabyooyinka iyo wixii lid ku ah horumarka aad xagamaysaan, kana hortagtaan.

Sidaas awgeed waannu idinku dhiiri-gelinaynaa oo aannu jecelahay inaad kaga dhabaysaan oo aad Ruqsadda kala noqotaan war-baahiyaasha qayrul-masuulka ah ee qabyaallada iyo wixii ummadda kala dilaya faafiya. Waad ogtoo caalamka horumaray ma jirto meel ay warbaahintu waxa ay doonaan iskaga hadlaan oo aanay jirin shaandhayn (censorship) iyo qaynuun lagu hago ‘code of conduct’.

Wasiir weliba waxaanu jecelahay inaad ku kabtaanWarbaahinteenna jahligu ragaadiyey Tababaro si aanay bur-bur iyo balaayo inoogu horseedin – Alle inaguma keene’e.

Mudane Alle ha kugu garab-galo xilkaa culus ee aad ummadda u hayso.

Ummadda Reer Somaliland-na waxaan kula dardaarmayaa tuducan “Abtirsiimo reer hebel ah iyo oday ku faan tuura” oo uu lahaa halyeygii weynaa ee Xaaji Aadan Af-qalooc (Raximahulaahu tacaalaa)

Cabdirisaaq Maxamuud Cismaan

Wales/Uk

hawraarsan5@hotmail.co.uk