Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee Mahadaay iyo Buurane ka dhacay

alshabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka culus ee xalay Al-Shabaab ay kula wareegeen Degmada Mahaday ee Gobalka Shabeelaha dhexe iyo deegaanka Buurane ee isla Gobalkaasi.

Khasaraaha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in askarta Dowladda federaalka Soomaaliya ka tirsan ee dagaalka ku geeriyooday ay gaarayaan ilaa 10-askari.

Lix kamid ah askarta meydadkooda waxaa lagu arkay gudaha Degmada Mahadaay halka afarta kalena la sheegay in lagu arkay deegaanka Buurane, halkaasi oo dagaalka culus uu ku dhexmaray ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Askarta Meydkooda lagu arkay Degmada Mahadaay mid kamid ah qoorta ayaa laga gooyay, waxaana meydkiisa lagu arkay Saldhiga Degmada Mahadaay, halka askarta kalena Magaalada gudaheeda lagu arkay meydadkooda.

Dadka ku nool Mahadaay oo xalay dhagahooda ku maqlaye daryanka rasaasta la isweydaarsanaye ayaa saaka isugu soo baxay wadooyinka Magaalada si ay ugaadaan dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Amisom iyo saraakiil ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay gaareen Degmada Mahadaay, waxaana xaalada ay tahay saaka mid degan.

Saraakiisha Dowladda oo xiriiro lala sameeyay weli kama aysan hadlin dagaalka xalay ka dhacay Mahadaay, iyadoo dhanka Shabaabna weli aysan war kasoo saarin dagaaladaasi iyo khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

Salaanmedia/Mogdisho