Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland warkiisu waa nin daad qaaday xumbo cuskay. Wasiir Samaaloowna sharcigu Quraan maaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland warkiisu waa nin daad qaaday xumbo cuskay. Wasiir Samaaloowna sharcigu Quraan maaha.

MAQAAL

Bismillaah

 

Waxaa maanta wararka Somaliland ka soo baxayay ku cusbaa saddex war oo dareenkayga soo jiitay oo kala ahaa:

 

1)  War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Maxammed Biixi Yoonis.

 

2) Hadal uu Wasiirka Maaliyada Somaliland ka jeediyay Baarlamaanka Somaliland

 

3) War-saxaafadeed u soo saaray Maareeyaha wakaalada biyaha Hargaysa

 

Saddexdan arrimood ayaa ahaa arrimaha ugu muhiimsan ee wakhtigan Somaliland ka taagan. Haddii aan si kooban ugu gonda dego iyadoo ujeedadaydu aanay ahayn inaan falanqayn ka bixiyo laakiin aan rabo inaan bulshada reer Somaliland la wadaago su’aalo mudan in la is-waydiiyo.  

 

a)  Qodobka 1aad, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yoonis ayaa sheegay in shirkii u hore u iclaamiyay ee dhexmari lahaa Somaliland and Soomaaliya todobaadkan  uu ka baaqday dhanka Soomaaliya.  Wasiirka ayaa sheegay in cudur-daarku ka yimid dhinaca xukuumada Soomaaliya oo xalay la soo xidhiidhay una sheegtay inaan xukuumadda hadda joogta ama wasiirada jooga aanay u haysan sharciyad inay wax heshiisyo ah galaan maadaama ay yihiin ku-simayaal (interim) ilaa inta laga soo dhisaya xukuumada cusub ee Raysal Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed.  

 

Su’aalaha is-waydiinta mudan:

 

i) Wasiirka iyo xukuumada uu ka tirsan yahay ee Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay miyaanay ogayn in xukuumadii Raysal Wasaare Saacid dhacday, wasiirada hadda joogaana ku-simayaal yihiin inta kuwo cusub laga soo magacaabayo?

 

ii)  Maxay ku dhacday in hal habeen bixitaankooda ka hor lala socod-siiyo arrinkan ileen ummadi way ka dheregsanayd arrinkan oo wax cusub maahee.  Sideese sharaxaadaasi ugu cuntami kartaa ama ugu qanci karaan dadka reer Somaliland ee ehlu caqliga ahi?

 

iii)  Miyaanay jirin cid dhexdhexaad ah oo arrimaha wada-hadalka farsamo ahaan u wada una dhexaysa labada daraf ee wada-hadalku dhex-marayo isla-markaana arrimaha noocan ah lafo-gur ku sii sameeyay dhinaca sharciyada iyo suurogalnimada qabsoomida shirka ee wakhtigan la joogo, gaar ahaan marka la eego xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya hadda ku jirto?

 

iv)  Qadiyadii iyo hiigsigii Somaliland ee in ictiraaf caalami ah la helo ma waxay dhaafi wayday in hadba xukuumad taag daran oo Muqdisho aan wada xukumin laga dhur-sugo?

 

Su’aalahaas iyo qaar kale oo badan waxaan u dhaafayaa bulshada reer Somaliland ee ku xidhan saxaafada kala duwan.   Waxaanan qodobkaa kaga baxayaa Wasiirka iyo xukuumada Siilaanyo xaalkeedu run ahaantii waa ‘’nin daad qaaday xumbo cuskay’’ waxaanay Somaliland u soo hooyeen guuldarro aad u foolxun.

 

Qodobkaa sare ka sokow, Wasiirku wuxuu ka hadlay biyo-gelinta caasimada Hargaysa oo uu sheegay inaanu arrinka Xumba-wayne kala hadal dawlada Imaaraadka Carabta isagoo magaca xumbawaynena si kale oo khaldan ood moodo (wiil yar oo qurba-joog dhacan celis ah) ugu dhawaaqayay looguna saxayay.  Waxaase la yaab igu noqotay markii isla haddana uu sheegay in arrimaha uu Imaaraadka u joogay ay ka mid ahayd ka daba-tegida mashaariic ay dawlada Imaaraadku hore ugu balan-qaaday Somaliland oo biyuhu ka mid yihiin, taasoo hadalka wasiirka ka dhigtay mid isburinaya.  

 

Kaaga darane wuxuu wasiirku carabaabay ashkhaas aanu magac dhebin laakiin uu sheegay inay ka dambeeyeen wararka sheegayay inuu wasiirku faro-geliyay biyo-gelinta caasimada ee Xumbowayne.  Isagoo ashkhaastaasi ku tilmaamay tuug la qabtay oo qabiilo dabada geliyay loona joojin doonin waa sida uu hadalka u dhigay (timir laf baa ku jirta).  Dafirka wasiirka iyo tiraabtiisan dambe ayaan haba-yaraate ahayn kuwa is qabta.  Waxaanu wasiirku si wayn hadalkiisaa dambe ugu cadeeyay inuu lug wayn ku leeyahay arrinka biyo-gelinta caasimada Hargaysa, waana arrin u baahan in si wayn isha loogu hayo gudo iyo dibedba.

b)  Ta labaad wasiir Samaale oo isna Golaha Wakiilada ka sheegay arrinka kordhinta cashuuraha oo abuuray culays badan iyo xiisadii mudaharaadkii booyadaha biyaha u dhaamiyaha in ka badan 70% dadwaynaha ku nool caasimada ayaa wasiir Samaale kula galgashay xagaa iyo Golaha wakiilada oo run ahaantii dembiga intiisa badan iska leh maadaama ay iyaga shacabku soo doorteen, yihiina kuwii ka hortegi lahaa wixii xuquuqdooda xad-gudub ku ah.  Wasiirka ayaase u muuqday mid ku adkaysanaya qaadista cashuuraha dhibta iyo culayska badan ku abuuray shacabka isagoo leh waa sharci aad idinku ansixiseen kuna toorjar-garanayay xildhibaanada markii hore ansixiyay.

 

Waxaanse wasiirka xasuusinayaa sharci baarlamaanku ansixiyay maaha samawi ee waa la bedeli karaa haddii uu ummada culays iyo dhib ku noqdo.  Adduunka way ka dhacdaa shuruucda badankoodana waxaa lagu sameeyaa wax ka bedel (amendments) marka duruufi timaado.  Waxaad ogaataa xukuumada wasiir Samaale aad ka tirsan tahay waxay wax ka bedel ku samaysay arrimo kuwan ka miisaan culus sida arrinka wada-hadalka Soomaaliya oo isba sharci weliba (constitutional) ama dastuuri ahaa, wax aliyaale wax uu ummada uu u soo kordhiyay oon fadeexad iyo fool-xumooyin ahayna ma jiro.

 

Markaa waxaan ku boorinayaa Golaha wakiiladu inay arrinkaa dib u eegis iyo wax ka bedel dhakhso ah ku sameeyaan. Xukuumadana taas bay dani ugu jirtaa, haddii kale ha ogsoonaadaan in haddii ummada haraad la bado cashuur la qaado dhaafe, ay nabadda iyo xasiloonida jirtaa khalkhal gelayso.

c) Ugu dambayntiina waxaan kelmad kooban ka odhanayaa hadal isna uu sheegay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa oo sheegay in arrinka biyo-gelinta Hargaysa la qabyaaladeeyay oo la siyaasadeeyay, inankaa isaga waxaan leeyahay adeer adigaa meesha qabyaalad ku fadhiyee ha ka hadlin (qabyaalad).  Waayo Biyo Shiinihii oo ahaa hanti qaran oo xiligii xukuumadii Afweyne la qoday una dhex ahaa ummada wada-degan Hargaysa waxaa laga dhigay meel reer leeyihiin oo cid aan reerka meeshaas degta ahayni maamulkeeda ma qabato.  Sheekh iyo shariifna beesha aad ka soo jeeda waxay ku dagaalamaan inaan cid kale oon iyaga ahayn aan la gayn, waxaa taas la mid ah dekedda Berbera oo iyana ah hanti qaran.  Arrimahaas ayaa ku ah fadeexad iyo fawaaxish dawladnimada Somaliland.  Bal hadda is-barbar dhig taariikhda Airportka Hargaysa maamulkeeda iyo labadan Haayadood een kor ku soo xusay muwaadin waxaana sida cad (evidence based) kuugu soo baxaysa halka qabyaaladu taalo ee hoyga u ah.

Wa bilaahi towfiiq

 

Maxamed Aw Yuusuf