Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay In Diiwaan Gelin Dalka Laga Bilaabayo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay In Diiwaan Gelin Dalka Laga Bilaabayo
cadde.jpg

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa maanta ku dhawaaqday in bisha Soo socota ee February 1-da dalka oo dhan laga qaban doono diiwaan-gelinta Muwaadiniinta reer Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ay wehelinayaan Badhasaabada dalka, mayarada Dalka Oo Dhan ayaa shaaca ka qaaday in diiwaangelintan dalka laga qaban doono ay kala saari doonto dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Ajanabiga kale.

Ugu Horeyna Wasiirka Oo Arrimahan Ka Hadlayaa Wuxuu Yidhi

“Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa xeer nidaamiyaha qeexaya qaadashada jinsiyada ama dhalashada Somaliland,kaadhkaasi oo noqon doona Astaanta kaliya ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay Dalkan Somaliland.waxa uu hirgalayaa xeernidaamiyahani 1-da bisha 2-aad ee sanadkan 2014. Fulinta xeerkan waxaa ka qayb qaadanaya dhamaan Hay’addaha ku shaqada leh Jinsiyaddaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Xisbiyadda Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo cidii kale ee Xeerku xaq u siiyo fulinteeda.” Ayuu yidhi Wasiirka Warancade

Wasiirku Wuxuu Sidoo Kale Sheegay ” Eray bixin, Muwaadin waxa loola jeedaa Qof kasta oo ka Isiran dadkii deganaa Geyiga Somaliland 26-kii Juun 1960-kii iyo wixii ka horeeyay iyo Qof si sharciya u qaatay Dhalashada Somaliland.’Laaji’ waxa loola jeedaa Qof kasta oo loo aqoonsado Qaxoonti oo ku sugan Dalkan Somaliland,’Ajanabi’ waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn Muwaadin Somaliland ah.’Qaan-gaadh’ waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 15 sano iyo wixii ka badan.’ Caruur’ waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu ka yartahay 15 sano. ‘Aabba laawe’ waxa loola jeedaa Ilmaha aan la aqoonsan Aabihii, balse leh hal waalid oo la yaqaano ah hooyadii.

Muwaadinimada u dhalashada ah: waxa muwaadin dhalad Somaliland ah Qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka isiran dadkii Somaliland deganaa 1960-kii. qofka dhaladka ahi wuxuu qaadan karaa dhalasho wadan kale isaga oo aan luminayn dhalashadiisa Somaliland-nimo,Muwaadin kasta oo Somaliland ah oo ku nool wadamada shisheeye, dhalasho kalena haysta waxa uu qaadan karaa kaadhka dhalashada marka u horaysa ee uu soo galo Dalka Somaliland.” Ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

“Waxa aanu soo dhaweynaynaa barnaamijkan lagu diiwaan gelinayo Muwaadiniinta reer Somaliland, runtii waxa aad ku arkaysaa magaalooyinka dadka aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland oo samaystay Cuqaal oo hadii ay wax dhacaan waxa uu ku odhanayaa caaqil hebel ayaa arrintaasi gelaya” ayuu yidhi.

Waxa Uu Wasiirku Sheegay Isla Markaana Faray Badhasaabada Iyo Maayarada Gobolada Iyo Degmooiyinka Dalka In Ay Sida Ugu Dhaqsaha Badan U Bilaabaan Waxaanu Sidoo Kale Waxiirku Ka Hadlay Qaabka Iyo Hawlgalka Iyo Qarashka Ku Baxaya Iasgoo Sheegay In Ayna Jirin Cid Ka Caawinaysa Qarashka Uu Ku Baxayo Iasla Markaana Sheegay In Ay Dawladu Bixin Doonto Halka Dadka Qaadanayayana Laga Qaadi Doono Marka Uu Kaadhka Soo Doonto 12kun Oo Shilinka Somaliland

Dhinaca Kale Waxa Uu Wasiirku Sheegay In Ay Baahin Doonaan Qandaraaska Ay Soo Baahin Doonaan Dhawaan Shirkada Ku Guulaysatana Ay Siin Doonaan Hawlgalka Hawshaasi Waxanu Socon Doonaa Bixinta Kaadhadhkani Mudo 6lix Bilood Ah

Gabogabdii Waxa Halkaas Ka Hadlay Qaar Ka Mid Ah Badhasaabada Iyo Maayarada Gobolada Somaliland Isla Markaana Si Wayn Usoo Dhaweeyey Bilaabitaanka Iyo Bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland

(Laaqalo)