Wasiirka Duulistu Sharcigii Dalka Ayuu Karaamadii Ka Qaaday Markuu Nin Ajaanib Ah Soo Dhaxe Fadhiisiyay Baarlamaanka Isaga Oo Kalsooni Ku Raadinaya!

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Golaha Wakiilada Warbixin Ka Siiyay Xeer Lagu Asaasi Doono Hay`ada Madaarada Dalka Oo Uu Hordhigay

Waxa wax lala yaabo noqotay oo dhaqanka dalka wax ku cub noqotay wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi oo shalay isaga oo raba in uu kalsooni u raadiyo sharci uu ku sheegay in dowladaha jaarkeena ahi ku dhaqmaan dhamaantood loo ansixiyo sharcigaas oo uu yidhi waxa uu inaga caawinayaa habka duulista hawada, maxamuud xaashi waxa u yeedhay baarlamaanka waxaana la rabay is suaalo laga waydiiyo shaqada uu qaranka u hayo,

Waa dhacdo marwalba soo marta in baarlamaanku u yeedho oo wax ka waydiiyaan xubnaha golaha wasiirada shaqada ay garanka u hayaan mana ay ahayn markii ugu horaysay ee ay lakulmaan wasiir maxamuud xaashi, nasiib daro wasiirku isaga oo aan kalsooni isku qabin ayuu baarlamaanka soo hor fadhiistay waxaanu aamini waayay in baarlamaanku rumaysto hadal kiisa kadib waxa uu soo hor fadhiisiyay baarlamaanka nin ajaanib ah oo uu ku sheegay khabiir kala taliya sharciga uu rabay in loo ansixiyo!,

arinkaasi waxa uu ahaa mid meelkadhac ku ah baarlamaanka iyo qaranka uu wasiirka ka yahay marka loo eego habka sharciga iyo siyaasadaba weli dalka kamay dhicin tanoo kale waa xaajo dalka ugub ku ah!,

somalidu waxay tidhaahdaa fule xantii ma mooga! wasiirku waxa ku kalifay inuu si madaxbanaan u hor yimaad baarlamaanka waxay ahayn isaga oo ogaa in aanay baarlamaanku ku qancayn hadalkiisa maadaama uu sharci hore oo kusaabsan dadka soodegaya iyo kuwa dalka ka noqonaya oo $2 dollar ah iyo mid kale oo $10 dollar ah uu ka ansaxsaday lacag taas oo markii danbe lagaran waayay meel ay marto lacagtaas oo aan ku dhicin qasnada dowlada iyo wasaarada maaliyada lacagtaas oo uu usamastay saduuq gaara!,

somalida ayaa tidhaah layligu biyaha kashkiisa ku jira ayuu ka didaa qofku hadii uu danbi umada ka galo oo uu musuq maasuq ku kaco waxa u isyidhaah waa lagu arkaa ileen danbiga uu galay ayuu ogyahay waxaana ka lunta kalsoonida uu markii hore u dhashay!,

wasiir maxamuud xaashi waa nin fiicnaan u dhashay iyo hadal aqoon wax badana wuu kazoo tirsanaan jiray baarlamaankii kan ka horeeyay lamana odhon karo waa nin aan ka dhaadhicin Karin baarlamaanka waxa uu rabo laakiin waxa heerkaas ku kalifay waa musuqa uu dhex fadhiyo ee wasaaradiisa ku gadaaman haday tahay lacagtaas dadka baasanjarka ah laga qaado oo aan la aqoon meel ay marto iyo lacatii $10 milyan ee dollar ahayd ee dowlada kuwayt bixisay ee layidhi ku balaadhi airport yada dalka ee uu baabasaday,

waxaase iyana aan dhaamin wasiirka sharciga dalka ku tuntay raga baarlamaanka ah iyo shirgudoonkooda iyo qaybta baratokoolka ee soo dayay nin ajaaniba ee soo dhex fadhiisiiyay baarlamaankii dalka looga ariminayay waayo aqalka baarlamaanku waa karaamadii umada oo dhamaan bulshada dalka oo dhan ayaa soo dooratay waana hayadii sharci dejinta ee dalka ugu saraysay xitaa waxay garan waayeen inay yidhaah daan wasiir maanta adiga iyo saaxiibkaa iska noqda waqti kale adiga oo keliya noo kaalay wixii aad daliil u haysatana xeer kan aad sida tid soo qaado,

xeer yaqaan, sharci ilaaliye, xildhibaan waxa intaas oo magac ah ay u heleen waa xasaanda saaran nasiib daro se magaranayan waxay huwan yihiin inay tahay karaamadii umada oo dhan waa dameer malab lasaaray oo kale! cid kasta iyaga ayaa ka mudan waxay leeyihiin xasaanada udhiganta ta madaxweynaha saaran oo kale cid ka qaadi kartaana majirto ilaa xildhibaanka lagu helo isaga oo danbi faraha kula jira oo maxkamad lataago mooyee,

Bal muxuu ka afgaranaayay nin ka cadi dooda baarlamaanka ee ku baxaysay luqada afsoomaliga ah ee aan ahayn inuu yahay sidii dhaqax meel fadhiya oo iska soo yuurura! baarlamaankana sharf uma aha nin aan wax shaqo ah aanay ka dhaxayn oo ajaaniba inay suaalo ku boobaan oo waydiiyaan marwalba qofka ay suaalaha xaqa ugu leeyihiin waxa weeye wasiirka xukuumada dalka ka tirsan ee ay u yeedheen,

Waa inay baarlamaaku gartaan wixii shafta umada ay wakiilka kayihiin meelkadhaca ku ah oo aanwax walba loola iman hadii kale umada ay magacooda dhulka jiideen xasaanadii dib hawgu soo celiyeen.

Aadan Axmed Nuur

khuurshe11@hotmail.com