Waxaan Idhaahdaa Ilaahayoow Ma Waxaad Garatay In Dawladii Aan U Soo Dagaalamay Ay Noqoto Tii Ugu Musuqmaasuq, Qabyaalada, Dulmiga Iyo Eexashada Badnayd”

Waxaan Idhaahdaa Ilaahayoow Ma Waxaad Garatay In Dawladii Aan U Soo Dagaalamay Ay Noqoto Tii Ugu Musuqmaasuq, Qabyaalada, Dulmiga Iyo Eexashada Badnayd”
108abdirahmaan
C/raxmaan C/qaadir, Ex. Gudoomiye Xigeenkii 2-aad Ee Kulmiye
Hargeysa, January 26, 2014 (SLM) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir Faarax ayaa eedo hor leh u xambaariyey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo, kaas oo sheegay inay noqotay dawladii ugu masuq-maasuqa iyo eexashada badnayd mudadii ay Somaliland jirtay.
C/raxmaan C/qaadir waxa uu xukuumadda Kulmiye ku dhaliilay inay xalaashatay dhamaan waxyaabihii ay sida wayn ugu naqdiyi jirtay ee ay kaga caban jirtay dawladii UDUB ee Daahir Rayaale Kaahin uu hogaaminayey, waxaanu xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID kula taliyey inay u midoobaan xukuumadda talada haysa oo uu ku sifeeyey mid aan la mahadin, isla markaana waxa uu shacbigii doortay ugu baaqay inaanay mar kale dooranin.
C/raxmaan C/qaadir waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey munaasibad lagu soo casuumay oo xisbiga UCID ku soo dhawaynayey taageerayaal ku soo biiray, taas oo ka dhacday huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa.
Ugu horayna isaga oo xaladaha dalka iyo sida uu u arko ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sida wanaagsan ee aad ii soo dhawayseen waan idiinka mahad celinayaa, maalmahan waan niyad xumaa oo inaad niyada ii dhistaan waan idiinka mahad celinayaa, waxa i niyad xumeeyey inaan idiin sheego ayaan jeclahay.
Mida kale horta ogaada aniga iyo rag aanu ku jirnaa waxaanu in badan jeclayn inay Somaliland hagaagto oo in badan ayaanu doonaynay Somaliland madax wanaagsan inay hesh oo ay inoo timaado dawlad-wanaagsani oo in badan baanu
Siilaanyo u soo dagaalanay. Sheekadayadana Cali Guray baa dhameeyoo wuxuu yidhi saddexdii nin shilkii barigii xisbiga Kulmiye ku dhacay ee Cali Maarshaal, Maxamed Xaashi iyo aniga waxa noogu nasiib badan Cali Maarshaal oo isagu aan Siilaanyo imika arag oo sidan ah”.
Isaga oo hadaliisa sii wata, kana hadlay dhaqamada uu ku arkay xukuumadda, waxa uu yidhi “Aniga oo 12 jir ah ayaan mudaharaad ku bilaabay iskuulkaas Faarax Oomaar oo wakhtigaas dawlad-wanaagsan ayaan doon-doonayey, waxaan idhaahdaa Ilaahayoow ma waxaad garatay in tii aan u soo dagaalamay ay noqoto dawladda ugu xun ee ugu musuqmaasuq badan ee ugu qabyaalada badan ee ugu dulmiga badan ee ugu eexashada badan. mida kale qofka maanta doonayo inuu dawladda Kulmiye ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu mar kale taageeroow maamin ma tihid sababta oo ah qofka muslimka ah god laba jeer lagama wada qaniino”.
C/raxmaan C/qaadir mar uu ka hadlayey dawlad-wanaaga iyo dhaqamada dawladdaha xunxun, waxa uu yidhi “Dawaladi inay xuntahay maxaa lagu gartaa? Waxa lagu gartaa dhamaan wixii ay iyadu ka caban-jirtay ee ay maagi jirtay ayey ku socotaa. hal tusaale ayaan idin siinayaa, Dr Idiris saaxiibkay ayuu ahaa oo wuxuu ahaa wasiirka xanaanadda xoolaha inteenu ku haysaynay shaqadiisa oo aanu baarlamaanka ugu yeedhaynay oo aanu lahayn kaalayoo maxjarka arinkiisa ka warbixi oo aanu lahayn ma jiro maxjar oo aanu lahayn Aljaabiri mee, markaa isbedelka uu Kulmiye sameeyey waxa weeyaan intii dawladda iyo ummadu qaadanjirtay ayuun baa hoos loo dhigoo madaxtooyadda la geeyey, Ilaahay ha u naxariisto saaxiibkay Idiris miyaanaan ka gardarnayn? Waxaanu odhan jirnay Berbera ayaa lacag laga keenaa oo Ina Rayaale loo keenaa, madaxtooyadana waa la keenaa laakiin faraqa u dhaxeeya ayaan idiin sheegayaa kuwani way tiriyaan laakiin Ina Rayaale muu tirin-jirin oo madaxtooyada Computer ayaa yaala oo waa lagu tiriyaa oo waxa la yidhaahdaa intaas oo markab ayaa timid oo ninka markabka wada waxa la yidhaahdaa laba boqol oo lacag ah ayaa kugu dhiman ilayn intaas oo markab ayaa imanaysee”.
Isaga hadalkiisa sii wata kana hadlaya aqoonta uu madaxwayne Siilaanyo u leeyahay,waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Waligay nin Siilaanyo ka cabasho badan maan arag oo maalinkasta waxa uu ka hadli jiray tacadi iyo waa la i cabudhiyey, waxaan xasuustaa maalin uu wariye na waraysanayey oo uu ku yidhi waa Axmed waxan oo cabasho ahi adiga ayey ceeb kugu tahaye iska daa oo woxogaa faan ahna sheeg. Markaa ninkii sidaa u cabashada badnaa laba qolo oo si fiican ugu hiilisay muu wanaajinin oo waxa la yidhaahdaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) nin abaal leh maaha. Mida kale anaga iyo Maxamed Xaashi iyo waxaanu nahay siyaasiyiin oo hanagaga abaal-baxo oo waanu istaahilnaaye oo nacasnimadayada ayaa na raacisay markii hore-ba laakiinse nimankii abwaanada ahaa ee sida aynu ognahay ugu hiiliyey ee xafiiska ku dhex lahaa xafiiska Kulmiye sida uu u galay waad aragtaan, mida kale saxaafadii iyadana sida aynu ognahay ugu hiilisay Kulmiye oo walaahi qudbadahay noo qori jireen intay noogu yimaadaan xafiiska, markaa ragii sidaas ugu hiiliyey ma xaqbay u leeyihiin in sida aynu arkayno ma xaqbay u leeyihiin in la xidh-xidho”.
Guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee hore ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye C/raxmaan C/qaadir Faarax mar uu ka hadlayey khilaafka xisbiga Kulmiye, waxa uu yidhi “Waad aragtaan sida uu Kulmiye isku yahay dhexdiisa Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu kala saari waayey nimankii xisbigiisa ku dhex-loolamayey oo iyagiibuu isku garaacayaa oo uu kolba mid bahdilayaa oo uu midna caleemo saarayaa oo uu kolba mid odhanayaa kanaa guddoomiye ah iyo kanaa musharax ah oo uu hadana ka qaadayaa markaa iyaga wax intaas ka badan ka odhan maayo oo intaasaa bahdilaad ugu filan”.
Ugu danbayn waxa uu talooyin u diray axsaabta mucaaridka oo uu kula taliyey inay u midoobaan xukuumadda, kaas oo sidoo kale hoosta ka xariiqay arrimo ku taxaluqa dekadda magaaladda Berbera, isaga oo arrimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Dalka waxa ka jira saddex xisbi, midi waa kaa dawladda iyo laba mucaarid ah. Anagu markaanu mucaaridka ahayn maalinta aanu anaga iyo UCID is raacno UDUB waanu ka adkaan jirnay maalinta midkaayo liicana UDUB ayaa naga adkaan jirtay, markaa idinka iyo Waddani waxaan idin leeyahay iskaashada oo wada socda oo daalimiintaas meesha fadhida meel uga soo wada jeedsada. Mida kale ee aan ku soo gabo-gabaynayaa waa saddex oo aan ka digayo, saddexda wax ee aan ka digaya waxa ka mid ah dekadda Berbera ee aynu miciimka bidayno ee aynu mushaharka ciidanka hayjada joogo ka bixino weerarbaa ku socdee aynu ogaano, mida kalena waanu ka digaynaayoo qoladayadan reer bariga lagu yar xantaa waxaanu Siilaanyo u taageeraynay waxay ahayd Burco nabadbaa ka dhalanaysa hadii aynu doorano, nabadii Burco-na maanta way sii fogaanaysaa markaa waxaanu doonaynaa arrintaas inaad labadiina xisbi ka hawlgashaan oo labada beelood ee meesha wada dega ee la doonayo in la isku diro aad kala gaadhaan sababta oo ah aniga labaduba way i dhaleen oo si xun ayey ii damqaysaa inay is laayaan. ta saddexaad ee aan ka digayaana waa inay doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo oo waliba madaxwaynuhu taas wuu ka balanqaaday oo waxa uu yidhi maalin lagu dari-maayo, waxaanan leeyahay madaxwayne waa lagaa filayaa inaanay maalin dib u dhicin”.