“Waxaan Leeyahay Xisbiga KULMIYE Garta Waxaad Haysaan Oo Wixii UDUB Ku Baaba’day Ha Bilaabina”Xaaji Cabdi-Waraabe.

image

Jan 9,2014 Hargaysa(SM)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe),kana tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa markii ugu horeysay tallo-wayaalnimo fariin ugu direy garabyada Xisbiga KULMIYE ee uu khilaafku soo kala dhexgalay, isla markaana kula-taliyey inay ka heshiiyaan waxay isku hayaan oo ay dadka war-wanaagsan u soo saaraan.

Xaaji Cabdi-Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay u waramayey warbaahinta wuxuuna ka hadlay khilaafka soo noqnoqday ee ka dhex aloosan Xisbiga talada haya ee KULMIYE, kaas oo keenay inay shacab-weynaha reer Somaliland ee doortay aad u hadal-hayaan.

Mar la weydiiyey Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) sida uu u arko khilaafka soo kala dhexgalay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, oo dadka Siyaasiyiinta ahi ku sifeeyeen inuu qaadayo waddadii uu ku burburey Xisbigii UDUB? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaan leeyahay Xisbiga KULMIYE, waa inaad gartaan waxaad haysaan halka uu joogo, wixii UDUB ku baaba’aday ha bilaabina, wixii dhexdiina ah ka daaya joornaalada, fadhi ku wada hadla, haday tahay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo haday tahay guddoomiyayaasha (Xisbiga KULMIYE), si macaan oo qaboow u wada-hadla,waa wax yar waxaad isku haysaane, kadaaya hasaawaha suuqa gallaaya.Waxaan idinkula-talinayaa (KULMIYE) waa inaad dib isugu noqotaan,hana kala duddina oo ha kala cadhoonina, waa Siyaasado nin-ba meel ayey iska tusaysaa, oo ha kala tagina, oo buuq ha gelinina oo idinku wadda-hadla, madax ayaad tihiin oo umadda oo dhan ayaa dhabarkiina saaran”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Oo Xisbiga (KULMIYE) iyo madaxdiisa ilaa Madaxweyne ilaa mijaha Xisbiga KULMIYE ayaa hogaankii ILAAHAY u dhiibay. Markaa, Kulmiyow Sidii UDUB ha saydhinina, isku dul-qaata,wada-faqa, hadalka iskula noqnoqda, qaboojiya oo hadalkaasi suuqa ka biiya, oo hadalkii la maqlay hadal-wanaagsan ka daba-geeyo oo shirjaraa’id oo aad u wada dhan tihiin soo saara”
Xisbiga KULMIYE ayaa khilaafkiisu soo noqnoqday waxana ugu danbeeyay baaqyo iska soo horjeedda oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland garab uu hoggaaminayo iyo garab kale oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbigaasi iska daba keeneen, kaasoo gaadhay in Madaxweyne Siilaanyo dhex-dhexaadin ka gallo mar kale.

Salaannedia/Hargaysa