Wefdiga Dowladda Somalia uga qayb galaaya wada hadalada Somalia & Somaliland, oo u amba baxay Turkiga

flagst

 

Waxaa barqanimadii maanta Magaalada Muqdisho ka amba baxay wefdi uu hogaaminaayo Sii haayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, si ay uga qayb galaan wada hadalada Somalia & Somaliland.

Wada hadalada, ayaa waxaa maalinimada berito ah lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Istanbul ee Xaruntii hore ee Wadanka Turkiga, iyadoo wada hadaladaan uu dhowr goor dib u dhac ku yimid.

Kahor inta aynaan wefdigaan ka amba bixin Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa Saxaafada kula hadlay C/samad Macalin Maxamuud, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Xukuumadii Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

C/samad Macalin Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in ay rajeynayaan in qoddobo muhiim ah, ay ka soo baxayaan wada hadalada ay Magaalada Istanbul kula lee yihiin walaalaha reer Somaliland.

Ina Macalin Maxamuud, ayaa wuxuu wax guul ah uu ku tilmaamay, haddii dadka Soomaaliyeed ay maanta si nabdoon uga wada hadlayaan, wixii leesku haayo sida uu yidhi.

Wada hadalada 16-ka bishaan ka furman doona Magaalada Istanbul, ayaa noqonaaya noociisii 4-aad, ee si fool ka fool leh isugu wajahaan wefdi ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wefdiga ka socda Somaliland oo ku sugan Magaalada Istanbul, ayaa waxaa horkacaaya Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Salaanmedia/Mogdisho