Weftiga Dawladda Somaliland Uga Qayb-galaya Wadahadallada Soomaaliya Oo Maanta Hargeysa Ka Dhoofay

(SM-Hargeysa) – Weftiga Somaliland uga qayb-galaya Wadahadallada Soomaaliya oo toddobaadka soo socda ka furmaya dalka Turkiga, ayaa maanta ka dhoofay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Weftigan oo dhowr maalmood ku sugnaan doona Magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa waxay ka kooban yihiin Wasiirrada Xanaanada xoolaha, Shaqaqada, Arrimaha dibadda, Madaxtooyada, Guddoomiye ku xigeenada koowaad ee Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida iyo xildhibaan Kijaandhe.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa yidhi “Halkan waxa maraya guddidii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu u soconaa Magaalada Addis-ababa oo aanu dhowr cisho joogayno, halkaas oo aanu isugu sii diyaarinayno wadahallada, kuna qaadanayno tababar yar oo xagga wadahadallada, si aanu wakhti isugu helo inaanu ka sii wadahadallo wax aanu ku hadli doono, markaa Addis-ababa waxaanu ka bixi doonaa 14-ka bisha, 15-ka bisha ayay Soomaaliya iyo Turkigu aad noo waydiisteen inaanu xiligaa nimaadno”

Salaanmedia/Hargaysa