Wiil Soomaaliyeed oo Qaboowga dalka Norway ku Geeriyooday ka dib markii diidmo la siiyay (Qiso la-yaab badan)

Wiil Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Nuur Cabdulaahi Aadan ayaa Kaamkii uu ku jiray ka baxsaday ka dib markii sharcigii uu sugaayey loo diiday , Wiilka(Inanka) ayaa sharciga dalka Norway sugayay ku dhawaad mudo 3 sanadood ah,Kaamka uu dhibka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa NYSTOLEN wuxuuna ku yaalaa magaalada ETNEDAL ee Dalka Norway.

Wiilka oo diidmada sharciga ka xanaaqay  ayaa xili uu jiray qaboow daran iyo baraf wuxuu dhawr maalmood ku dhex lugeynayey dhul cidlo ah oo aad u fog inkastoo markii hore la soo helay Kabihiisa waxaana ugu dambeeyntii la soo helay  Meydkiisa ka dib markii ay raadintiisa ka qayb qaateen Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helikoptarada.

Dadkii la degnaa Nuur Cabdulaahi Aadan gaar ahaan Soomaalidii taqaanay ayaa aad uga naxay dhibka qabsaday muwaadinkaan Soomaaliyeed oo intii aan diidmada la siin ahaa ruux caafimaad qaba. 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Soomaali badan oo Sharci aan ku lahayn dalalka Yurub ayaa nafsadooda halis galiya marka la siiyo diidmada maadaama imaanshaha Qaarada Yurub ay kharash iyo lacag aad fara badan ku soo bixiyeen.

Salaanmedia/London