10jir Kaxeeyey Gaadhigii Labaad Laba Todobaad Gudahood

10jir Kaxeeyey Gaadhigii Labaad Laba Todobaad Gudahood

TOBAN JIR
Wiilkan 10jirka ah oo u dhashay dalkaasi Norway ayaa kasoo qaatay gaadhigii waalidkiisa todobaadkii hore isagoo faraxsana kaxaynayey,wuxuuna ku waday wadooyinka waaweyn ee caasimadda dalkaasi Oslo,kuna andacooday inuu ilaabay sharcigii gaadhi wadista(license)
Waqtigani wuxuu gaadhiga ku tagay oo uu booqday qaraabadiisu oo ay jirtey 30km(19miles)intii aanu joogsan,bileyska ayaau sheegay saxaafadda.
Waalidikiisa ayaa xaqiiqsaday wixii dhacay,waxayna la hadleen bileyska oo fariimo ogaysiisa dhigay bogga internetka ee aalada Twitterka iyo traafiiga,iyo idaacadaha iyagoo codsanayey caawimaad.laakiin wiilkii ayaa waxaa ka joojiyey gaadhigii dad daawanayey kadibna ka qaaday furihii gaadhiga,ayay sheegeen bileysku.
Wiilkan yar ayaa todobaadkii lasoo dhaafay laga yaabay markii uu gaadhi ku dhex watay magaalada Dokka, oo ah magaaladiisa oo 110km u jirta waqooyiga Oslo,waxaa kaloo gaadhiga saarnaa walaashii oo 18bilood ahoo uu ahaa gaadhiga qoyska,wuxuuna u dhaqaaqay meel 60km u jirta oo ay ku noolyihiin awoowayaashii,markii uu kasoo noqonayey oo dhulku wada baraf ahaa wuxuu kaxeeyey gaadhiga 10km oo qudha.
Bileyska ayaa dib u eegi doona kiiskan oo iminka xidhan.laakiin waxay sheegeen inaysan cafin doonin falkan sababtuna waa marki labaad waxayna ka codsadeen qoyska inlageeyo qaybta lagu xanaaneeyo carruurta wiilka.
“qofna ma dhaawacin,laakiin waa nasiib hadii uusan wax dhiba gaysan,” Baard Christiansen oo ah afhayeenka bileyska ayaa usheegay wakaalada wararka ee Reuters. “waa in laga taxadaraa carruurta oo masuuliyad adag layska saaro intii aynan qasaaro gaysan”ayuu ku daray.
“waxaa cabsiya oo wax laga xumaado ah in loo ogolaado inuu gaadhiga kaxeeyo masaafada dheer,” ayuu ku daray afhayeenka bileyska

laaqalo