7 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne M.I. Cigaal (Shir Beeleedkii u Dambeeyey)+Liiska musharaxiintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

17 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne M.I. Cigaal (Shir Beeleedkii u Dambeeyey)+Liiska musharaxiintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Cigaal

17 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne M.I. Cigaal (Shir Beeleedkii u Dambeeyey)+Liiska musharaxiintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Qaybtii 2aad
4.Samaynta Shuruudaha Lagu Dooranayo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
Sida Ku Caddayd Qodobka 14aad xubintiisa 1aad ee Axdiga Qaranka
Madaxweynaha waxaa shuruud u ahayd inuu ahaado

1. Muwaadin u dhashay Saomaliland
2. Da’diisu u dhexayso 40-70 Sanadood
3. Maskax da ka Fayow
4. Aan gelin dembi maxakamdi cadaysay (oo aan ahayn mid Siyaasadeed)
5. Muslim ah kuna dhaqma Diinta islaamka
Hadaba iyadoo ay jiraan Shuruudahaasi ayaa haddana Shirweynuhu soo saaray Shuruudaha dabarka Musharixiinta oo ahaa
a) Waa in uu yahay Muwaadin u dhashay Somaliland,oo aan haysan Muwaadinimo Dal ajnebi ah balse wuxuu noqon karaa Nin qoxoonti ahaan Debedda u Jooga.
b) Musharaxa u taagan jagada Madaxweynaha iyo Kuxigeenka waa in ooridiisu(Xaaskiisu) ay tahay muslim
c) In Musharixiinta Jagooyinkan u Tartamayaa Noqdaan kuwo ku sugnaa dalka (joogey) Labadii sanadood ee ugu dambeeyey, oo si fiican ula socda xaaladaha iyo waayahay dalka
d) In Murashixiintu Magacyadooda ka diiwaan geliyaan Maxakamdda Sare ee Dalka
e) In Murashixiintu Hantidooda Ka diiwaan geliyaan Maxakamadda Dalka
f) Inuu Murashaxu yahay Muslim Kuna dhaqmo Diinta Islaamka
g) In Murashuxu Jidh ahaan iyo Maskax ahaan fayow yahay
h) In Murashaxu waayo aragnimo u leeyahay arrimaha Maamulka
i) Inaan Murashuxu ka gelin dalka Somaliland Dambi Maxakamadi ku Xukuntay
j) In Murashaxu Qoraal ahaan Ku Caddeeyo in Shirweynaha Beelaha Somaliland ee hargeysa ka socdaa yahay Xalaal Kalsoonina uu ku Qabo.

5.Xubnihii Isu Sharaxay Jagada Madaxweynaha

1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
2. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleban Gaal)

3. Cabdilaahi Oomaar Cawaale
4. Maxamed Xaashi Cilmi
5. Maxamed Baaruud Cali
6. Imaam Yaxaye Xaaji Ibraahim
7. Maxamuud Maxamed Kenedi
8. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)
9. Shiikh Xasan Ismaaciil Bile
10. Cabdirisaaq Maxamed Qawrax
11. Aada Muxumed Hoorii Mataan
12. Axmed Kayse
Xubnihii isu Sharaxay Madaxweyne Ku-xigeenada
1. Baashe Cali Jaamac
2. C/raxmaan Aw Cali Faarax
3. Daahir Rayaale Kaahin

N.B. (waa inta aan ka xusuusnahay Murashixiintii)
Maxay Ka yidhaahdeen Murashiintu Shuruudaha lagu Xidhay
1. Cabdilaahi oomaar Cawaale …… wuxuu yidhi
La Soco Qaybta Dambe………

Yusuf Mohamed Arish
E-mail: – yuusufarts@hotmail.com
Burao, Somaliland