Akhriso Warkii oo Qoaraala <: Guddoomiyaha Iyo Musharaxa Madaxwaynaha UCID Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyey Xayiraada Xukuumadu Saartay Telefishanka Universal

Akhriso Warkii oo Qoaraala <: Guddoomiyaha Iyo Musharaxa Madaxwaynaha UCID Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyey Xayiraada Xukuumadu Saartay Telefishanka Universal Daawo Muuqaal Faysal Cali Waraabe Iyo Jamaal Cali Xuseen Oo Si Kulul Uga Soo Horjeestay Xayiraada Xukuumada Somaliland Saartay Telefishanka UNIVERSAL

Hargeysa, February 4, 2014 (Salaanmedia.com) – Guddoomiyaha iyo musharaxa madaxwaynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa luuqad adag ku cambaareeyey xayiraada xukuumadda Somaliland shalay ku soo rogtay telefishanka afsoomaaliga ku hadla ee Universal Tv, kuwaas oo talaabada ay dawladu ka qaaday ku tilmaamay mid ka hor imanaysa xoriyada saxaafada iyo xoriyatul-qawlkaba.
Madaxda xisbiga UCID waxay sidaasi ku sheegeen mar ay shalay warbaahinta kula hadleen xafiiskooda magaaladda Hargeysa, shacbiga iyo warbaahinta madaxbanaan ee dalkana ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan amarka ay xukuumadu dalka ka xayirtay Tefishanka Universal Tv iyo wargeyska Hubaal oo mudo ka soo wareegtay xiligii albaabada loo laabay.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay musharaxa UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay sida uu u arko xayiraada Tv-gaas, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu uga xunahay oo ay bulshaduna uga xun tahay in Tv wayn oo caalamka af Soomaaliga ku hadlaa meelkasta oo ay joogaanba ay daawadaan in liisankii looga qaado barnaamij yar oo madadaalo ah oo la yidhaahdo faaliyaha qaranka oo ah mid bulshadda Soomaalida lagu madadaaliyo oo iska qosol ah isla markaana aan ahayn wax qof gaar ah eedaynaya. Imika hadii aynu marayno in kaftankii iyo madadaaladii in liisankii la iskaga qaado waa arin ku ugub ah Somaliland oo waa arin aanu ka soo horjeedno oo aanu cambaaraynayno, waxaana inala gudboon inaynu ka digtoonaano arimaha keenaya in xariyatul-qawlkii meel lagaga dhaco markaa waxa aan bulshadda Somaliand leeyahay arinkani waa mid aan dalkeena u wanaagsanayn oo sida aad xasuusataan waxaynu ogayn arintii dhawaan lagu sameeyey wargeyska Hubaal oo ilaa maanta xidhan iyada oo la soo weeraray waliba ninkii soo weerarayna la sii daayey oo uu suuqa iska joogo oo aynu ognahay in iyagii hagar-daamo loogu daray oo la xidhay”.
Jamaal isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan ka baqayaa in dhawaan dadka suuqa lagu xidhxidho hadii ay kaftamaan, waxaad ogtihiin xisbiga Kulmiye markii ay u tartamayeen talada dalka waxay ku balanqaadeen oo ay meel walba ka doobinayeen oo ay lahaayeen xoriyada saxaafada ayaanu u dagaalamaynaa, waxay yidhaahdeen Tv-ga qaranku waxa uu u madaxbanaanaan doonaa axsaabta mucaaridka oo dhan, waxaynu ognahay in imika inuu u madaxbanaanaado iska daayoo uu yahay ka cayda iyo aflagaadada badan nagu haya inuu yahay oo waa ka guddoomiye-yaasha xisbiyada mucaaridka ah laga caayo oo inta niman London ka yimid saacad ka badan inta la siiyey ay Guddoomiyaha xisbigayaga UCID ay waxay doonaan ku yidhaahdeen,markaa ka u baahan in liisanka laga qaadaa waa telefishanka qaranka”.
Musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen mar uu baaq u dirayey bulshadda iyo warbaahinta madaxabanaan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Halkan waxaan ka dirayaa laba baaq, ka hore waxaan u diray reer Somaliland oo aan leeyahay waa inaad arimaha noocan oo kale ah inaad ka dhiidhidaan oo ay ficil ka muujiyaan, baaqa kale-na waxaan u dirayaa madaxda saxaafada oo waxaan kula talin lahaa in bahda warbaahintu ay isku timaado oo ay isku duubnaato oo ay arimaha noocan oo kale-na ay ka dhiidhiyaan ilayn shalay Hubaal ayaa la xidhay oo ilaa imika xidhan, maanta-na Universal Tv ayaa la xidhay, waxaan leeyahay waxa xaqiiq ah inaad idinkuna ku xigi doontaan oo dalkuna wuu inaga burburi doonaa hadii la waayo saxaafada xorta ah oo ah xisbiga 4-aad ee dalka ka jira ee ummadda tusa hadba halka ay xumaantu ka jirto”.
Dhinaca kale waxa isaguna dareenkiisa la xidhiidha xayiraada ay xukuumadu saartay Universan Tv ka hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraab isaga oo arimahaasi ka hadlay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in uu aduunku nala ogaado in aanay halkan (Somaliland), hogaan Wanaagsani aanu jirin.
Qofba waxa uu doono ayuu samaynayaa, waxa aan hubaa in hadii uu Madaxweynuhu uu usoo jeedo in aanay ku kaceen, waxa ay muujinaysaa in Somaliland aanay hogaamini jirin, Somaliland maanta cid awoodii dalka gacanta ku haysa oo lagala xisaabtamaa Ma jirto”.
Isaga oo Faysal hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waad aragtaan wasiiradii way is haystaan, wasiiradii iyo agaasimeyaashii guud baa is-haysta, agaasimeyaashii guud iyo wasiir ku xigeenadii baa is-haysta, taliyihii ciidamada iyo ku xigeenkiisii baa is haysta, madaxa ayaa la iskula wada jiraa, arrintaasi waxa ay la mid tahay tii kacaanka ee ku qosle Kabtan kufay, waxaana muuqata in awooda dalku ay gacanta u gashay dad aan lahayn dul-qaad”.
Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay in talo la’aanta ka jirta dalku ay keeni karto in ay Somaliland ka dhacaan khilaafyo dalka u horseeda burbur, waxaanu yidhi “Haddii aan la tashan oo aanay dadku wada tashan taas wax ka weyn ayaa dhici doonta, waa la is dhex yaaci, qofba ka uu ka xoog weyn yahay ayuu qabsan doonaa, xoolihii waad aragtaa oo waa la boobayaa”.
Mar uu ka hadlayey xoriyada saxaafada iyo qaabka ay xukuumadda Kulmiye ula macaamisho, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Saxaafadda waan ka tacsiyadaynayaa, waxa ay shacabka reer Somaliland iyo asxaabtu ay la qabaan maaha, waa guul darradaa nagaga dhacday maanta hogaankii dalkan ee ay ka mid tahay dhirbaaxada xun ee ku dhacday Universal Tv iyo Chanelada kalena waxa aan u hanweynahay in aanay taasi waxba yeeli doonin, waayo digtaatooriyadii ka waaweynaa ayaa u taag waayay, Universal-na wuu shaqayn doonaa insha allaah oo waanu daawan doonaa.
Dadka xamili waayay majaajilo madadaalo ah, miyay xamili karayaan dhaliilo la sheego, dalka maanta waxa la doonayaa in uu ka shaqeeyo Telefishan kuma sheegi karnaa Tv cayda loo furtay, waxa aynu doonaynaa in aynu mudaharaad samayno, warbaahintu ay samayso anaguna aanu idin hor kacno oo Tv-gaa cayda loo furtay aynu dadka ka xoreyno, kaa lixda Wasaaradood lacagtooda lagu cunayo ayaa u baahan sidii aynu isaga xoreyn lahayn”.
Guddoomiyaha UCID mar uu ka hadlayey dhaliilo looga soo jeediyo warbaahinta dawladda oo ay masuuliyiin ka mid ah golaha wasiiradu isaga ku weeraraan, waxa uu yidhi “Miyeydaan arag Wasiir ku xigeenkan London Xamaalka ka ahaan jiray ee laga dhigay Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga, kaa Wasiir ku xigeenka waxaan leeyahay haddii aad mar kale i caydo waxaan balan kuugu qaadayaa inaan xafiiska kuugu imaado oo aan gacan ku saaro, siduu ii caayi karaa inan yar oo London xamaal ka ahaa oo wasiir ku xigeen la siiyay”.

(Laaqalo)