Ardayda Nusasaacaha Ha Loo Daayo Oo Wasiiradan Baabuurta $80,000 Ah Wata Ha Lagu Daro Wadada Ceerigaabo, Hana Loo Sameeyo Guddi Madaxbanaan” Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen

Berbera, February 24, 2014 (Salaanmedia.com) –Musharaxa madaxwayne-nimo ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku taliyey in guddi ka madaxbanaan xukuumadda talada haysa ee Kulmiye loo sameeyo wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.
ARADAYDA

Jamaal Cali Xuseen waxa uu xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay in qaadhaanka laga ururiyey ardayda dugsiyada dalka in la joojiyo, laguna bedelo dhaqaalaha badan ee masuuliyiinta dawladda kaga baxa baabuurta ay wataan, kaas oo sheegay in wasiirada xukuumadda talada haysa ay wataan baabuur qiimahoodu yahay 80 kun oo dooller.
Musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu maalmihii u danbeeyey ugu sugnaa sidii uu dardar-galin lahaa xafiisyada xisbigooda ee gobolkaasi. Ugu horayna isaga oo ka waramay ujeedada socdaalkiisaas iyo nuxurka uu daarnaa socdaal uu ku booqday shalay sariibada magaaladda Berbera, waxa uu yidhi “Ujeedada socdaalkaygu waxa weeye dardargalinta xafiiska xisbiga UCID ee gobolka Saaxil iyo la tashiyo aan la samayn doono masuulyinta xisbiga ee gobolka Saaxil. Markaa waxa aan maanta jeclaysatay oo kale inaan booqdo sariibada wayn ee magaalada Berbera oo si fiican ayaa bulshadii ku ganacsanaysay aan u arkay, maaha marka aad magaalada timaado inaad tagtid oo kaliya hudheelada qaaliga ee qorshahayga ayaa ka mid tahay inaan bulshadayda arko xaaladooda”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, arinta wadada Ceerigaabo iyo haamaha shidaalka Berbera, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waad ogaydeen oo in haamaha shidaalk Berbera waxa la eryay shirkadii Total markaa lacagtii ganacsada laga qaadi jiray iminka waa lagu kordhiyey. annagu waanu ogolnahay inay dhisanto wadada Ceerigaabo laakiin xalayba waxaad arkayseen lacagtii dadka laga ururiyey iyo ardayda in lagu dabaal degaayay iyada oo aan wadadii la bilaabinba ee dhagaxii maalintii kobaad la dhigay, imisa kharasha ah ayaa xalay oo kaliya la isticimaalay, lacagtiii umada laga guray . waxaan soo jeedinayaa in wadada ceerigaabo loo sameeyo guddi ka madaxbaxaan xukuumadda iyo waliba in odhad la galiyo .hadii kale lacagtaa xukuumadu waxay u isticaali doonta kaanbayn, anigu ma arko dad lagu aamino lacagtaa waayo dalkaba ma garanayno cid ka talisa”.
Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya dhaqaalaha ku baxa wasiiradda xukuumadda Kulmiye iyo xaalada dalku marayo, waxa uu yidhi “Waxaan mar kale ku celinayaa waar ardayda yar yar lacagta nusasaacaha ah ha loo daayo oo wasiiradan baabuurta $80,000 ah wata ha lagu daro wadada Ceerigaabo. xukuumadu ma garanayso waxa kharashku kaga baxo, waxaan dhaliilayaa xukumadan ku dhaliilayaa maalinta safar wafti u baxayso in lays daba yaaco oo 100 Laankuruusar shidaal lagu shubo dadka maatida ahna wadad la sii safo la odhaanyo-na soo dhaweeya .xalay ayaad arkayseen dadkii danyarta ahaa ee marka hore waxba la siin waayey in markii marwada madaxwaynaha Djibouti soo caawisay lagu wada yaacay”.

L Q L