Arsene Wenger Oo Doonaya Inuu Markale Nasisiiyo Mesut Ozil

Arsene Wenger Oo Doonaya Inuu Markale Nasisiiyo Mesut Ozil
ARSENI

Shabakada Sports Mole ayaa sheegtay maanta in tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger uu doonaayo inuu nasisiiyo laacib kiisa Mesut Ozil kulanka soo socda ee kooxda Arsenal ay sabtiga laciyaari doonto kooxda Stoke City.
Shabakadaan ayaa sheegtay in Wenger uu ku fikiraayo inuu nasiino kale ugu daro laacib kaan kadib markii uu hoos u dhacay ku yimid qaabciyaareed kiisii hore iyo isagoo 4 kulan oo adag ku ciyaaray 11 maalin gudahood taas oo keentay ugudanbayntii inuu nasisiiyo kulankii sabtiga ee kooxda Arsenal ay 4-1 uga adkaatay kooxda Sunderland.
Wargaysyada ingiriiska ayaa usoo jeediyay bilihii u danbeeyay Mesut Ozil inuusan u qalmin inuu u ciyaaro kooxda Arsenal iyagoona kula taliyay Wenger inuu dib ugu celiyo kooxdiisii hore ee Real Madrid laakiin Wenger oo isku dayaaya inuu xal u helo dhibaatada haysata laacib kaan ayaa doonaya inuu nasisiiyo kulan kale.
Mesut Ozil oo ku soo biiray Arsenal Xaggaagii tagay ayaa kulamadii hore u ciyaaray si wanaagsan laakiin laacibkaan ayaa halmar hoos u dhacay wenger ayaana u arka dhibaatada laacib kaan inay tahay daal farabadan maadaama uu ciyaaro kulan kasta oo ay kooxdiisa ciyaarayso tartamada oo dhan.