Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Bilaabay Olole Lagu Cidhib-tiraayo Aafadda Qabyaaladda Kormeerna ku Soo Maray Qaar ka Tirsan Dugsiyadda Burco + Sawiro

Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Bilaabay Olole Lagu Cidhib-tiraayo Aafadda Qabyaaladda Kormeerna ku Soo Maray Qaar ka Tirsan Dugsiyadda Burco + Sawiro

badh one

Burco (Salaanmedia.com) Tuesday, February 04, 2014 10:08:28 )- Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa Saaka subaxnimadkii kormeer ku tegay qaar ka mid ah Dugsiyadda magaalada Burco kuwaasi oo uu ka mid ahaa Dugsiga Sheikh Bashiir .
b10 yy.jpg

Badhasaabka oo ay wehelinayeen ,Cuqaal Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda ,Ku xigeenkiisa iyo Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer xiligii Rayaale Jaamac Cabdilaahi Biin.ardayda Dugsiyadan ay booqdeen ku wacyigaliyay in ay ka fogaadaan Aafada Xanuunka Qabyaaladda iyo iyo waxyaabaha xunxun ee kale sida balwadaha iyo rabshadaha ardayda ka dhex dhaca. –
“Waxaynu nahay dad is wada garanaya ,. reer Burco ahaan Dhibaatada ay leedahay Qabyaaladu wad ka war haysaan ,taasina waxa sii dheer in ardaydii ay hada noqdeen kuwa kaliyee la isku adeegsado, waar miyaydaan ogeyn dadka ka kuugu xigaa in uu yahay kan aad isku kursiga ama aad isku fasalka tihiin .
waxaanan idin leeyahay ardaydii dugsiga sare ayaad tihiin tuur Qabyalada oo ku hamiya sidii aad horumar muuqda u gayaysiin lahaydeen gobolkiina ” Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyihii hore ee gobolkaTogdheer Jaamac Cabdilaahi Biin oo hadal u jeediyay ardayda dhigata Dugsiga Sheikh Bashiir
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo isna wacyigalin ardaydaasi u jeediyay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii
“Waar xagaa lugu arkay arday iyagu dhexdooda Kooxo Kooxo isu dila oo hub isku soo qaadata miyaydaan damiir laheyn ,waar gobolka dhaqamadan laguma aqoonine ha ceebaynina idinkuna hays ceebaynina oo mustaqbalkiina Hog madow ha ku ridina .Waxaanan idin leenahay Gacmaha is qabsada oo is tixgaliya rabshadaha ,Qabyaaladda iyo balwadahana ka fogaada ,si aad gobolka iyo bulshadeenaba u anfacdaan ” Sidaasi ayuu Maxamed Muuse hadalkiisa kaga baxay.
Badhasaab one

Mida kale Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale maanta iyo xalay Kulamo kala duwan la lahaa odayaasha ,ganacsatada iyo Kooxaha Kubadda Cagta ee gobolka Togdheer kuwaasi oo uu kula dardaarmay in ay ka qaybqaataan sidii bulshadda magaaladda Burco is dhexgalkooda iyo midnimadooda loo xoojin lahaa isla markaana arimaha bulshadda kala fogaynaaya ee Qabyaaladu u horeyso looga takhalusi-lahaa.

Badhasaabka 2
Waxaanu Badhasaabku iyo masuuliyiinta boolisku kulamadaasi ka sheegeen in ay talaabo cad ka qaadayaan cidkastoo ka shaqaynaysa kala fogaynta bulshadda iyo faafinta dhaqamada xunxun sida qabyaalada.

Laaqalo