“Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Wayn, Nalagu Qiimayn Maayo Siyaasiyiinta Naga Soo Horjeeda Odhaahdooda, Shanta Jeer-ba Somaliland Ayaa Ku Gacansaraysay” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Dalka Ku Soo Guryo-Noqday

“Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Wayn, Nalagu Qiimayn Maayo Siyaasiyiinta Naga Soo Horjeeda Odhaahdooda, Shanta Jeer-ba Somaliland Ayaa Ku Gacansaraysay”
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Dalka Ku Soo Guryo-Noqday
116xirsi

Hargeysa, February 4, 2014 (Salaanmedia.com) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo safar dibada ugu maqnaa mudo bil ku dhaw ayaa shalay galinkii danbe dalka dib ugu soo guryo noqday dalka, kaas oo ka warbixiyey socdaalkiisaas oo uu wadamo dhawr ah iskaga gaalaa-bixiyey isla markaana sida uu sheegay guul ugu soo dhamaaday.
Wasiir Xirsi oo shalay ka soo degay madaarka magaaladda Hargeysa ee Igal International Airport ayaa warbaahinta uga warbixiyey socdaalkiisaasi uu iskaga gudbay wadamada Ethiopia, Turkiga, Faransiis, Germany iyo UK ayaa sidoo kale ka hadlay wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia ku dhexmaray dalka Turkiga, wada-hadaladii waftigii madaxwaynaha ay dalka Faransiiska kula yeesheen madax sare oo ka tirsan dawladaas iyo shirkadda Bolore ee la filayo inay maalgaliso dekadda magaaladda Berbera.
Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu deedefeeyey dhaliilaha ay xukuumadda ku duraan axsaabta mucaaridka oo uu xusay inaan aragtidooda iyo eedaha ay u soo jeediyaan aan lagu qiimayn karin. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Sida aad ka warhaysaan safarkii aanu Turkiga ugu amba-baxnay ee ka bilaabmay Ethiopia oo aanu tababar ku sii qaadanay ee aanu markii danbena Turkiga oo aanu wada-hadalada Somalia kula yeelanay aanu u gudubnay oo aanu waxba idinku seeganayn oo aanu xogtiisii warbaahinta ku soo gudbinay isla markaana masuuliyiintii walaalahay ahaa ee ila socday ay dalka iiga soo horeeyeen oo ay ka warbixiyeen waxba idiinkuma seegana arintaas laakiin hadii aan dulmaro uun wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia waxay ahaayeen markii 5-aad oo waxay guul u ahayd qodobadii laga gaadhay Somaliland, waxaanan anigu aaminsanahay in shanta jeerba in Somaliland ku gacansaraysay guulna aanu ka soo hoynay laakiinse way soconayaan wakhtina way qaadanayaan, ilaa aanu gaadhno himiladayada iyo waxay dadkayagu doonayaana Insha Allaahu tacaalaa uga soo dhaqaaqi mayno oo sideedaanu u wadaynaa”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia dhawaan ku dhexmaray dalka Turkiga, waxa uu yidhi “Sidaan hore u sheegay wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia dhexmaray guul bay u ahayd Somaliland, qofkase guusha Somaliland aanay qiimo la lahayn ee qod-qodaaya ee marba meel ka ursanaaya hore waxaan u sheegay imikana aan leeyahay nalagu qiimayn maayo haday tahay waftigayagii iyo haday tahay xukuumada-ba siyaasiyiinta naga soo horjeeda aragtidooda iyo odhaahdooda, waxaana nalagu qiimaynayaa waxaanu bulshadda iyo qarankayaga u qabano waxaanan aaminsanahay inaanu u qabanay wax qiimo leh oo taariikhda ayaa qori doonta”
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan mar uu ka hadlay wada-hadaladii ay dalka Faransiiska ay waftigii madaxwaynuhu kula yeesheen shirkadda Bolore, waxa uu yidhi “Ma jiraan wax heshiis ah oo lala gaadhay shirkadda Faransiiska ah ee Bolore laakiin waxay ka mid yihiin uun dadka dalkeena inay maalgashadaan xiisaynaya, dekadda Berbera waa waxa ugu qiimaha badan ee aynu haysano oo hore ayaa loo yidhi oo ay u yidhaahdeen odayaashii xiligaa joogay Berberi wax go’ lagu qaado ka wayn, markaa Berberi wax nagu qiimo yar maaha oo wax qaranka oo dhami wada leeyahay markaa arintaasina waxay noqon doontaa uun wax cidkasta oo danaynaysa inay maalgashato wada-xaajood lagala yeelanayo oo cidkasta u furan. Midna ha la ogaado oo Berberi way u baahan yahay wax horumariya si ay u noqoto dekad caalami ah oo dalkeena anfacda isla markaana la tartanta dekadda dunida ee la midka ah”. mar wax laga waydiiyey sida uu u arko xayiraada xukuumadu shalay ku soo rogtay telefishanka Universal Tv, waxa uu yidhi “Telefishanka la xidhay horta maan ogayn oo hawada ayaan ku soo jiray laakiinse cidii ku xad-gudubta shuruucda dalka, cid ka dhawrsoon in la xidhaana ma jirto hadii ay shuruucda iyo qaranimadda dalka ku xud-gudubto, waxaanay arintaasi u taalaa hay’adaha ku shaqada leh oo xogbadana kama hayo imika. Hadii ay dalkeena iyo xuquuqdiisa ku xadgudbeena maaha waa saxaafad oo waa lama taabtaan, saxaafaduna sharciga dalka biri-magaydo kama aha inse lagu xad-gudbo ayey biri-magaydo ka tahay, markaa waxaan arintaas kaga baxayaa hadii warbaahintu sharciga dalka ku xad-gudubto waa la qabanayaa oo sharciga ayaa la horgaynayaa oo wixii ay mutaystaana halkaas ayey ka soo bixi doontaa oo ka hordhici maayo”.

Laaqalo