Boqorka Dhaliyarada Ee Beesha Dagta Galbeedka Burco Oo Si kulul U Weeraray Hadalo Dhawaan Kasoo Yeedhay Boqor Buurmadaw

Boqorka Dhaliyarada Ee Beesha Dagta Galbeedka Burco Oo Si kulul U Weeraray Hadalo Dhawaan Kasoo Yeedhay Boqor Buurmadaw

Boqorka

Hargeysa(Salaanmedia.com) Feb.11. 2014-Boqorka Dhalinyarada ee Beesha Dagta Galbeedka Burco Boqor maxamed xasan cabdilaahi(Boqor Naahi) ayaa si kulul u weeraray hadalo dhawaan kasoo yeedhay Boqor Cismaan Buurmadaw, waxaana u u sheegay in aanu Boqorku u hadlin si munaasib ku ah Milgaha Dhaqanka looga bartey, iyada oo uu boqor naahi sheegay in ay tahay wax lalayaabo in Boqor Buurmadaw yidhaahdo Madaxweyne Siilaanyo Laaluush ayaanu ku keenay Kursiga.
Boqor Naahi oo waraysi Gaara Siiyey Shabkada Caalmigaa ee Ramaasnews ayaa hadaladiisii waxaa kamid ahaa“ Boqor Buurmadaw waxaa uu shalay Joornaalka ku qoray waxaanu Siilaanyo Kursiga ku saarnay Laaluush, Anigu waxaan leeyahay Boqorka Afkaa Lagaama filayn, anagu Laaluush ku saari maynee Umada waxaanu u Horseedaynaa Wanaag iyo Cadaalad, waxaanaan leenahay Nin laaluushku bixinkaraaana ma jiro kal soonina Laaluush laguma helo,waxaanan Dadweynaha u sheegayaa Hal Xaaraani Nirig Xalaala Madhasho, markaa mar hadii Laaluushba lagu saaray maantana waxaa la hadal hayaa in Lacagtii Wadada Ceerigaabo Madaxweynuhu Golaha ku Kaambayn garaynaayo taana waxaaanu Labada Gole Qaran ka Codsanaynaa in Dawlada lala Xisaabtamo oo ay Gudi usaaraan…” .
Dhinaca kale waxa uu boqor naahir uu si aada u soo dhaweeyey Ergadii Dhexaadinta ahayd ee Shalay ku kala Guntatey Golaha Wakiilada waxaana uu uhanbalyeeyey Odayshi isu xilqaamay inay hawshaasi soo kala dhexgalaan.
waxaana uu ugu danbeyntii uu ku Booriyey Madaxda Hirdanku uga dhex socdo Golahu inay isu tanaasul ay muujiyaan tahayna ta wadankani ku soo Caana maalay.. .