California: Nin Darbi Jiif Ah (Homeless) Oo Nasiib U Yeeshay Inuu Dirqi Kaga Badbaado Libaax Soo Weeraray

California: Nin Darbi Jiif Ah (Homeless) Oo Nasiib U Yeeshay Inuu Dirqi Kaga Badbaado Libaax Soo Weeraray
116homeless

Nin darbi jiif ah ayaa si isku xigxigta waxa u qaniinay libaax ciddiyo fiiqan leh meel buur ah oo ku taala koonfurta gobolka California ee dalka Maraykanka, kaasoo kasoo baxsaday xarunta xayawaanaada ee magaaladaasi, laakiin waxa la filayey inuu ka badbaado, sida ay sheegeen ilaalada xarunta xayawaanaadka lagu hayo ee gobolkaasi.
Ninkan ayaa lagu qiyaasay da’diisa 50-jir, kaas oo joogay galbeedka magaalada Perris markii uu libaaxu weerarayey, sida uu sheegay sarkaalka qaybta kalluunka iyo xayawaanada ee gobolka California ee la yidhaah Patrick Foy.
Foy ayaa u sheegay wargayska la yidhaah Riverside Press-Enterprise ninkanu aanu garanayn cidda soo weerartay, laakiin wa ku yaalay nabarro waaweyn, caalamado qaniinyo ah iyo jidhkiisa oo jeexjeexan waxaana u gaystay bisad weyn, sida uu sheegay ninka la soo weeraray.
“Waxaan hubnaa 99 percent inuu Libaax gaystay falkani,” ayuu yidhi Foy. “geba gabadii waxay kusoo koobantay in bukaankani qabo dhaawacyo halis ah.:
Ninka ayaa la dhigay dhakhtarka kana soo kabsanaya dhaawacyadii gaadhay kadib markii qalliin degdeg ah lagu sameeyey.
“Wuu nasiib badan yahay hadii uu noolyahay,” ayuu Foy raaciyey .
Weerarkan ayaa ka dhigay in askarta ilaalisa xayawaanada ay dhigaan sidhiq xarunta. ayuu yidhi Foy Libaaxani ayaa dib ugu soo noqday xarunta xayawaanka markiiba.
Libaaxyadani inay weeraraan dadka degan goobahan wax marwaliba dhaca maaha.
Laga soo bilaabo 1986-kii, waxaa la xaqiijiyey 15 weerar inay gaysteen libaaxyadani sadex qofna way ku dhimatay gobolkani, sida laga soo xigtay rikoodhka ay sameeyeen xarunta kalluunka iyo xayawaanaadka ee gobolka California.

Laaqalo