Ciidamada Amaanka S/Land Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Ka Tirsan Jabhada ONLF Oo Ka Soo Talaabay Xuduuda Itoobiya

Ciidamada Amaanka S/Land Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Ka Tirsan Jabhada ONLF Oo Ka Soo Talaabay Xuduuda Itoobiya
ONLF

Hargeysa, February 26, 2014 (Salaanmedia.com) – Ciidamada amaanka Somaliland ayaa shalay gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Jabhada ONLF ee ka dagaalanta Itoobiya oo ka soo talaabay xuduuda Itoobiya.
Xubnahan ka tirsan maleeshiyada ONLF oo lagu qabtay doraad deegaanka Bali-cabane iyo Sayla-bari ayaa waxa War Baahinta Qaar Ka Mid Ah u xaqiijiyay qabashada xubnahaasi dad ku sugan deegaanka Bali-cabane oo sheegay inay ka kooban yihiin xubnaha ONLF ee gacanta lagu dhigay laba nin, kuwaas oo ka soo talaabay xuduuda Itoobiya.
Xubnahan jabhada ONLF ee ciidamada amaanka Somaliland gacanta ku dhigay ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan Itoobiya ay dabagal raad raaca hayeen.
Xubnahan oo lagu qabtay deegaanka Bali-cabane ayaa la sheegay in loo soo dhaadhiciyay shalay xabsiga degmada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.
Dhinaca kale Jahbahada ONLF ayaa laba qaybood ugu kala qaybsantay dagaalka Itoobiya ay kula jiraan, isla markaana garab weyn qaatay heshiis nabada ayaa garabkii kale lagu wiiqay cududooda ka dib markii ay shacbiyad waayeen ayaa wakhtigan xaadirka ah laga ugaadhsadaa deegaanada ay ku dhuumalaysanayaan ee deegaanada Itoobiya.
Jabhada ONLF oo muddo dheer dawlada Itoobiya kula dagaalaysay deegaanada kililka shanaad ayaa muddooyinkan dambe awoodoodii ay si weyn u laciiftay, isla markaana noqday kuwo hadhaagoodii laga ugaadhsado deegaanada kililka shanaad ee Itoobiya.