Ciidamadda Amaanka Oo Laascaanood Ku Soo Qabtay Ninkii Alshabaab U Qaabilsanaa Gobolka Sool.

Ciidamadda Amaanka Oo Laascaanood Ku Soo Qabtay Ninkii Alshabaab U Qaabilsanaa Gobolka Sool.

Picture921-300x145

Laas-Caanood(Salaanmedia.com) – Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay hawl-gal ay habeen hore saqdii dhexe ka sameeyeen gudaha magaalada Laas-caanood ku soo qabteen Nin lala xidhiidhinayo inuu ka mid yahay Saraakiisha sar-sare ee ururka Al-Shabaab u qaabilsan deegaanada Bariga Somaliland.

Inkastoo aanu jirin war rasmi oo ay hay’adaha ammaanka ee Somaliland ka soo saareen hawl-galkan la sheegay in ninkan lagu soo qabtay, haddana dad kala duwan oo ku sugan gudaha Laas-caanood ayaa wargeyska Saxafi u xaqiijiyay inay ciidamada Ammaanku habeen hore magaalada Laas-caanood ka soo qabteen ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Maxamed Cismaan, kaas oo la sheegay inuu ahaa Ninka labaad ee ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanada bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Somaliland oo aanu la xidhiidhnay si aanu warkan uga xaqiijiyo ayaa iyagu gaabsaday, hase yeeshee ilo xog-ogaal ah oo ayaa xaqiijiyay inuu ninkan la soo qabtay yahay sarkaalkii derajo ahaan ku xigay Cabdillaahi Axmed Maxamed (Carabey) oo isaga ay ciidamada ammaanka Somaliland oo kaashanaya ciidamada Sirdoonka dalka Itoobiya ay ku soo qabteen hawl-gal ay habeenkii Salaasaddu soo galaysay ka fuliyeen tuulada Xidh-Xidh oo dhawr konton kiiloo mitir dhinaca koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laas-caanood, iyadoo Carabey lagu sheegay inuu ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay ee Amniyaat Al-Shabaab u xilsaarnaa hawl-galada deegaanada Bariga Somaliland.
Ninkan magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Maxamed Cismaan, ayaa la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa Saraakiishii Al-Shabaab ee ku sugnaa Xidh-Xidh, balse uu halkaas firxad kaga soo baxsaday kadib markii ay ciidamada Ammaanka Somaliland habeen Salaasaddu soo galaysay ay hawl-galkooday ay ku soo qabteen Carabey ka fuliyeen deegaankaas, kadib uu firxadkii ku tegay Laas-caanood.
Cabdillaahi Maxamed Cismaan, ayaa noqonayaa xubintii labaad ee lala xidhiidhinayo Al-Shabaab ee dhawr maalmood gudahood ay ciidamada ammaanka Somaliland ka soo qabtaan deegaanada gobolka Sool ee dalka Somaliland, waxaana lagu tilmaamay qabashada Carabey oo ay wallaalo yihiin Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, mid wax weyn ka tari karta in jawaabo loo helo hawl-galo dhiig badani ku daateen, galaafatayna nafaha dad badan oo isugu jira masuuliyiin dawladeed, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, kuwaas oo sannadihii u dambeeyay lagula beegsaday deegaano ka tirsan gobolka Sool hawl-galo isugu jiray dilal qorshaysan iyo qaraxyo.