Ciidamo Itoobiyaan Ah Kana Tirsan Howl Galka AMISOM Ayaa Gaadhay Degmada Guriceel Ee Gobolka G/Gaduud

Ciidamo Itoobiyaan Ah Kana Tirsan Howl Galka AMISOM Ayaa Gaadhay Degmada Guriceel Ee Gobolka G/Gaduud
amisom 22

Guriceel : (Salaanmedia.com)_Gelinkii dambe ee shalay ayaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo hoos tagta maamulka ahlu suna waxaa gaaray ciidamo Itoobiyaan ah oo watay illaa afartan gaari kuwasoo ka soo gudbay xadka gobolkaas uu la wadaago Itoobiya.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan Itoobiyaanka ah oo watay sumada ciimada AMISOM ay bedeleen kuwo kale oo halkaas horey u joogay.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa sheegay in ciidamadan Itoobiya ee yimid degmadaas uu qorshohoodu yahay iney ciidamada xoogaga Al-shabaab ka saaraan degaanada ay kaga sugan yihiin yihiin gobolkaas sida Ceelbuur, Ceeldheer iyo degaano kale.
“Ciidamada ahlu suna iyo kuwa Itoobiya ee yimid Guriceel dhowaan waxay bilaabi doonaan howlgal Al-shabaab looga sifeynayo gobolka Galgaduud meelaha ay ka joogaan” ayuu intaa ku daray Taardhuleed.
Ciidamada Itoobiya ee dhowaann ku biiray AMISOM ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada gobolada dalka qaarkood iyagoo isku diyaarinaya iney weeraraan deganada ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab.

Laaqalo