Cilmi-baadhis Cuntooyin Daawo ka ah Macaanka, Duriga, Elarjiga iyo Qufaca:

(Salaanmedia.com) Friday, February 14, 2014 06:14:55
Daraasado kale oo tiro badan oo ay sameeyeen khubaro Maraykan iyo Ingiriis isugu jirta ayaa bedka soo dhigay in kaabashku la dagaalamo duriga, ilarjiga iyo qufaca, isla markaana haddii hilib lagu cuno uu yahay shay aad u faaÂ’iido badna oo hab-dhiska difaaca qofka kor u soo qaaday.
CUNTOOYINKKA

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Cambridge University, ayaa bedka soo dhigtay in haddii si joogto ah loo quuto cuntooyinka duxdu ku yar tahay sida caanaha fadhiya ee ciirta, badharka caana laga sameeyo ay yareeyaan macaanka, gaar ahaan nooca labaad ( 2 Diabetes), kaasoo 25% inay hoos u dhigaan ay ku qaadato 11 sanno oo si joogto ah loo cuno.
Daraasado kale oo tiro badan oo ay sameeyeen khubaro Maraykan iyo Ingiriis isugu jirta ayaa bedka soo dhigay in kaabashku la dagaalamo duriga, ilarjiga iyo qufaca, isla markaana haddii hilib lagu cuno uu yahay shay aad u faa’iido badna oo hab-dhiska difaaca qofka kor u soo
qaaday.

Daraasad dib loogu eegaayey walxaha yar yar sannadkii 2011 la soo saaray ayaa tilmaantay in cuntooyinka Lactic Acid ku jirto jidhka ka difacaan shubanka, waxaana cuntooyinkaas ka mid ah caanaha la khamiiriyey iyo kuwa ciirta laga dhigayka, sidoo kalena ay carruurta iyo dadka waaweynba ay ka daaweeyaan boog calooleedka iyo xasaasiyaddaba.
Laaqalo