C/raxmaan Cirro Hogaamiye Ku Sifoobay Hogaamin Daacada,+ Hamaigiisa Siyaasadeed +Guulaha uu ka Gaadhay Duufaano Siyaadadeed Oo Uu Soomaray. Faallo: Bashiir Adam/Moscow Russia

C/raxmaan Cirro Hogaamiye Ku Sifoobay Hogaamin Daacada,+ Hamaigiisa Siyaasadeed +Guulaha uu ka Gaadhay Duufaano Siyaadadeed Oo Uu Soomaray.
Faallo: Bashiir Adam/Moscow Russia
abdirahman-cirro

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) Waaa Gudoomiyaa Golaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI.
abdirahman-cirro

Gudoomiye C/raxmaan waxaa lagu tilmaamaa hogaamiye qunyar socod ah, Diblomaasi ah siyaasi ah, Daacad ah, taas oo ay ka marag kaceen dhamaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Somaliland iyo Dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland iyagoo ku sifeeyey nin daacad ah oo aan dalka iyo dadkaba ka gelin wax gobob ah.
Dad badan ayaa Gudoomiye Cirro ku tilmaama inu Hogaanka u qaban karo Jamhuuriyada Somaaliland iyadoo lagu tilmaamo diblomaasi xidhiidhi fiican la leh dawaladaha Reer Yurub, aqoon fiicana u leh sida loola macaamilo madaxda kala duwan ee Caalamka. Cirro waa nin leh hami fog oo ah inuu ku guulaysto kursiaga ugu sareeya dalka oo uu rabo inuu dalka ka noqdo Madaxweyne.
C/raxmaan Cirro waa nin siyaasad qabaw, yaqaana sida loola dhaqmo dadka waxaa uu siyaasiyiinta kale dheeryahay inuu yahay Hogaamiye ay dadku u siman yihiin, qabybaalada aqoon isla weynayn, ku yar iyo kuweyn faqiir iyo taajir isku si ula dhaqma waxaa lagu tilmaamaa Gudoomiye Cirro inuu yahay hogaamiye qunyar socod ah.
Gudoomiye Cirro intii uu xilka Baarlamaanka hayay waxaa lasoo dersay caqabado badan oo uu kazoo gudbay iyadoo u dhamaanba ka guulasytay Dagaalka siyaasadeed ee kaga yimid dhinaca mucaaridka dawlada iyo Baarlamaanka laftiisaba.
Gudoomiye Cirro iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay in badan ahaayeen xulufo isku dhaw oo ku saaxiibay dano siyaasadeed iyagoo isku qabay dano badan oo uu midba midka kale aaminsanaa inuu saaxiibtinimadiisu dan u tahay isaga hadana ay fiintu dhex miranayso.
Hadaba waxaa is weydiin leh maxaa keenay wakhtigan in Dawladu inay Guntiga dhiisha iskaga dhigto inay dagaal qaawan ku qaado Gudoomiye C/raxmaan oo ay markii hore u arkayeen inuu yahay nin aanay waxba isaga tirinayn hadii tartan loo galo doorashada Madaxtinimada ee fooda inagu soo haysa sidaas awgeedna ay u reebeen Ururo badan oo loo arkayay in hadii ay soo baxaan ay caqabad ku noqon karaan dawlada oo ay mucaaridad adag kala hor iman karaan oo la yidhaahdo si badheedha ayaa loo reebay.
Sababta waxaa weeye Gudoomiye C/raxmaan oo oo lasoo kala baxay mindi Afweyn oo uu doonayo inyuu gundaha ku jaro tartanka siyaasadeed ee ka dhexeeya isaga iyo xisbi xaakimka Iyo dawlada. Dawladuna waxay u aragtaa inu Gudoomiye Cirro oodaha soo goostay uuna caqabad ku yahay danaha Xukuumada talada haysa ee aan haysan kalsoonida shacabkeeda ee lagu tilmaamo mid uu aaafeeyey Musuq baahsan eexaysi qof jeclaysi cabudhin sharciga oo ay jebiyaan iyo caadooyin lidi ku ah hanaanka dawladeed ama tan Demoqraadiyadeed ee aan ugu faano caalamka.
Waxaa uu isku shaandhanyn ku sameeyey Gudi hoosaadyada isagoo labadiisii gudoomiye ku xigeen ka xayuubiyay awoodii ay lahaayeen, waxaana uu haystaa aqlabiyada gudi hoosaadyada ama gudida Joogtada ah. Iyadoo xildhibaanada badankoodu ay ayidsanyihiin Gudoomiyaha.
Waxaa ay Xildhibaanadu Gudoomiyaha ku tilmaameen Hogaamiye daacad ah oo leh aragti fog oo Hogaaminkara Koox. Xisbi ama Dawladba.
Inta Badan Xildhibaada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa tilmaamay inaan golahooda laga soo helayn Hogaamiye la mida Gudoomiyahooda oo leh khibradaaas hogaamineed iyo kartida uu isku hayay golaha.
Waxaa mudan inaanu C/raxmaan Cirro aanau khasaare ku qabain hadii Maanta laga xayuubiyo Xilka Gudoomiye nimo ama uu isagu iskii uga dego waayo waxaa banaanka u yaala xisbiga ugu Tunka weyn Mucaaridka Somaliland taas oo dadka badankiisu saadaalinayaan inuu 5 sano ee soo socda ku guulaysan karo Tartanka Madaxtinimada Somaliland.
Waxaan kusoo Gunaanadayaa Maahmaahdii Soomaaliyeed ee tidhaahda (FARDO LAYSKU HAYO MAXAA LAYSKAGA FAANIN) waxaanan aaminsanahay ra,yiyan inuu ka guulaysan karao dagaalka qaawan ee ay soo qaadeen isbahaysiga Xukuumada iyo qaar ka mida mudanayaasha golaha wakiilada iyagoo Hub kazoo dhigtay Hantidii Umada ee qaarkood laga gurtay wadooyin ayaan idiin samaynaynaa kusoo qaadeen Gudoomiye Cirro.
Hadaba waa loo wada joogaa halka uu ku dhamaan doono Dagaalkaas ay jilayaan Aktaro badan hadaba eegnaa ka booska noqda iyo ka Actor ka noqda ee ay guushu raacdo.
Bashiir Aadan Xaaji Diiriye
Moscow/Russia.