Cristiano Ronaldo Oo Waajahaya Ganaax Afar Kulan Ah Sidoo Kalena Seegi Doona Kulanka Madrid Derby

Cristiano Ronaldo Oo Waajahaya Ganaax Afar Kulan Ah Sidoo Kalena Seegi Doona Kulanka Madrid Derby
116ronlado

Cristiano Ronaldo ayaa kaar Cas loo taagay kulankii kooxdiisa ay barbarha la gashay Athletico Bilbao ciyaaryahanka reer Portugal ayaa wajahaya ganaax afar kulan ah kadib markii uu u gacan qaaday daafaca Bilboa Ee Carlos taasoo keeni karta in garomada laga mamnuuco ku dhawad afar ama seddex kulan.
Ronaldo ayaa ciyaarta laga saaray kadib qalad uu galay daqiiqadii 76 sidaas awgeed ururka kubadda cagta Spain ayaa go’on ka soo saari doona ganaaxa Ronaldo lagu ciqaabi doono balse uu si rasmi ah u maqnan doono kulanka soo socda oo ay la ciyaari doonan Villarreal.
Si kastaba ha ahaatee hadii uu Ronaldo la kulmo ganaaxan waxey noqon doonta mid ku adag taagerayasha Real Madrid maadama uu Ronaldo seegi doono kulanka Atletico Madrid ay la leeyihiin Ee ka tirsan koobka boqorka Spain Ee Copa Del Ray.
Kaarki Casaa Ee xalayto uu qaatay Ronaldo ayaa ah midkii 4-aad Ee uu La Liga ka qaato intii uu joogay Spain sido kale kaarki Casaa ee kan ka horeyay wuxuu ah midkii uu qaatay Final-kii Copa Del Ray oo kooxdiisa laga badiyay oo ay la ciyaarayen Atletico Madrid.
Ronaldo ayaa markii ugu horeysay Ee uu Real ku qaato kaarka cas waxey aheyd ciyaar ay la ciyaarayen Malaga sido kale Isla sanadkaa ayuu mar kale kulan ay Almeria qaabileen uu qaatay casaan taa oo ka dhigeysa in xiddigan uu afar kaar casaan ah qaatay inta uu joogay Los Blancos sido kale Ronaldo ayaa maraya kaarkii 8-aad inta uu ku guda jiray kubadda cagta.

Laaqalo