Dab Ka Kacay Huteel Ku Yaalla Magaaladda Barakaysan Ee Madiina Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Dab Ka Kacay Huteel Ku Yaalla Magaaladda Barakaysan Ee Madiina Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac
madina

Madiina(Salaanmedia.com)-Dab ka kacay hotel ku yaalla magaalada Barakaysan ee Madina ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15-qof oo cumro u joogay halkaasi, waxaana uu shilkani dhacay duhurnimadii sabtida ee wakhtiga dalka Sacuudiga.

Wakaaladda wararka ee Boqortooyada Sacuudiga oo loo soo gaabiyo SPA ayaa ku warantay in ugu yaraan 130-qof ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi.
Weli ma cadda sababaha rasmiga ah ee dabkani uu ka dhashay balse warar hordhac ayaa sheegaaya in uu ka yimid cilad koronto iyo dayac dhinaca shaqaalaha hoteelka ah.
Dadka ku waxyeeloobay dabka ayaan wali la sheegin waddamada ay u kala dhasheen hase ahaatee warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in ay Masaari u badnaayeen dadkii geeriyooday , sida laga soo xigtay Safaaradda Masar ee Sacuudi Arebia.
Hoteelka oo ku yaalla Galbeedka magaalada Madina Al-munawarah ayaa waxaa deganaa dad lagu qiyaasay 700-qof, waxaana dabka uu ku faafay qeybo badan oo hoteelka ka mid ah.
Booliska iyo kooxaha dab demiska oo goobta gaaray waxyar kadib ayay ku qaadatay dhowr saacadood in ay dabka demiyaan gebi ahaantiisa maadama uu ahaa mid xoog badan.
Gudoomiyaha magaalada Madina Faisal Bin Salman ayaa sheegay in Dowladda ay baaritaan ku sameyn doonto waxa dhaliyey shilkaan dabka ah.
Hoteelka oo ka kooban dhowr dabaq ayaa waxaa deganaa dad kasoo jeeda waddamo kala duwan oo Sacuudiga u joogay in ay gutaan cibaadada cumradda.