Dad Layaqaan Guurso Dad Layaqaan Bey Dhalaane!(Qaybta 1aad)

Dad Layaqaan Guurso Dad Layaqaan Bey Dhalaane!(Qaybta 1aad)
weding

Salaanta Islaamka kabacdi, Aan ku hormaro’e Xikmadaa kore ee ciwaanka ah waqtiyadii hore Soomaalidu waxeey u isticmaali jirtey marka eey ka hadlayaan Soomaalida dhexdeeda, ama kala guursiga gabdhaha ee Beelaha dhexdooda ah, iyagoo ku dheeragalinjirey in gabadhu Tolkeed ka dhexguursato, sababtuna aheyd dagaallo Beeleedyadii ku dhisnaa ku hardanka Daaqa, Soohdimaha iyo Xoolaha.
Maantase Soomaalidii dalkoodii baa burburey, oo dalal shisheeye oo aaneey wadaagiin, Diin, Dub, Dhaqan iyo Af toona ayey u kala firxadeen, oo xaalku wuxu marayaa warkii hore war soo dhaaf. Qaar ka mid ah gabdhihii Soomaaliyeedna waxeey caado ka dhigteen Guursiga Rag Ajaanib ah, oo qaarkood aaneyba Diin wadaagin (Subxaanallaah!), dabcan rag sidaa oo kale sameeyana waa jiraan, balse qormo u gaar ah ayaan uga hadlidoonaa, insha Allah.

Aan dib ugu laabto’e, waqtiyadii Beri-Samaadkii, dumarkeena Soomaaliyeed aad ayey isaga dhowri jireen guursiga Ajaanibta nuuceey rabaanba ha ahaadeene, maxaa yeeley sida dadkeena dibadaha eey ugu wada habjaqeen illaa iyo maantana loosii yaacayo xaalkeenu wuu ka duwanaa oo dad leh qaran dhisan iyo dal nabad ah beeynu aheyn, dalkana Ajaanibta weey ku yaraayeen, oo waxeey ku koobnaayeen magaalooyinka waa weyn.
Gobollada waxeey ku mari jireen safar iyagoo Hey’ado la socda. Waxaase dhinaca kale jirey Dumarka aad fara ku tiris u ahaa, oo Magaalooyinka waaweyn joogey, kuwaasoo ahaan jirey dumarka Halleeysan ee “Beerta galay”. Dumarkaa waxeey ahaayeen kuwo Balwadaha xunxun eey diloodeen sida Khamriga, Durgs-ka kasii daran iyo Tumashada, arimahaa daraadoodna Ajaanibta dalka Joogtey sidaa ugu galijirey, oo Ajaanibta Gaal iyo Muslim wuxuu rabo ha ahaadeee iskala tumanjirey ama eey iska heeysanjireen, haduu Muslim sheeganayana iska guursanjireen. Waxeey ahaan jireen kuwo takooran, oo “Tuke Cambaarleh ah”, waxaa loo yaqaanney in eey dumar xun yihiin. Dadka qiimaha iyo sharafta lihina rag iyo dumarba aad ayey iskaga filqi jireen, oo uga faani jireen.
Xaqiidii dumarkeena guud ahaan ee aan balwadahaa laheeyni intabadan isma aaneyba arki jirin iyaga iyo Ajaanibtaa, luqad Ajnabi dumarkeena inta taqaaney weey iska yareeyd, wada shaqeeyn iyo ladhaqan keeni karey isu soo dhawaasho iyaga iyo Ajaanibta ahna haba sheegin.
Dhab ahaan wixiiba cad Gaal ayuu u ahaaa, “Gaaloow-Gaal”. Waxkale iska daaye Ajaanibta Muslimka ah xitaa dumarkeena ma aaney jecleyn guursigooda, iyagoo aad uga baqi jirey in Dal iyo Dad aaney garaneyn uu la aadi doono, iyada iyo Ilmaha eey u dhashana aaney dib dambe isu arkidoonin nolosheeda inta ka dhiman marka uu soo eryo. Waa sida eey Carabtu ku sameynjireen qaarkii ka guursadey, oo iyagoo bilaa Ilmo ah ayey soo eryi jireen, dumarkaa oo u badnaa kuwii Jaariyadaha/Khaddaamad-yada u ahaa Carabta.
Aan Xaalka haddadan jira dib ugu soo noqdo’e, ayaamahan waxaa aad usoo batey website-yada ka hadla Arimaha Bulshada, kuwaasoo dhalinyaro badani aqrisato. Kuwa wararka ku qora website-yadaasi waa kuwo aanan muhiimad gaar ah siinin saameynta eey ku yeelankaraan qaab-fikirka da’yarta. Waxa kaliya ee ay xooga saaraan waa in eey soo qoraan wax yaab leh oo ciwaan iyo qoraal ahaan ka fajaciya/ka yaabiya dhalinyarada.

LAAQALO