Dadweynaha Ku Nool Caasimada Somaliland oo walaac-xoogan ka muujiyey Tallaal dawadiisu Dhacday Oo Ay Shaacisay Wasaaradda Caafimaadku

Hargaysa(Salaanmedia.com)-Dad weynaha ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa walaac ka muujiyey tallaal lagu sheegay inay dawadiisu dhacday. Ka dib markii maalintii Arbacada ee todobaadkii aynu soo dhaafnay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr
XAGLO TOOSIYEE

Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye),
ku dhawaaqay in waalidiinta iyo shaqaalaha caafimaadku inay uga faa’iideeyaan ubadkooda ololahan oo ka kooban talaalo kala duwan oo ah gooryaanada iyo xidhmooyin caafimaad oo kala duwan. Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee magaalada Hargeysa oo shalay cabashadooda uga waramayay Wargeyska Ogaal, ayaa ha’yadda UNICEF ku eedeeyay inay lacag laaluush ah ku bixisay si aanay masuuliyiinta iyo Wasiirka caafimaadku u eegin dawada oo la doonaayo inay khatar caafimaad ku galiyaan carruurta dalka Somaliland, kuwaas oo ka digay dhalinyarada aan lahayn aqoonta caafimaad ee loo dhiibaayo tallaalka. Ugu horayn Sadiiq Maxamed oo ka hadlay aragtidiisa ku aadan tallaalka carruurta ee Wasiirka Caafimaadku shaaciyay, ayaa sheegay in tallaalka laftigiisu u baahan yahay in la baadho. “Marka hore tallaalku waxa uu u baahan yahay in isaga laftigiisa la baadho, tayadiisa iyo dawo ahaan-ba. Waxa loo baahan yahay in qofka yar ee la siinayo la ogaado inuu xasaasiyad ka qaadi-karo. Marka kalena waa in la helaa dad aqoon u leh oo daacad shaqada u ah. Waxa loo baahan yahay in wixii ka yimaada tallaalka lala socdo oo dib loo eego, laguna wadin kii hore ee laga hayn wax faa,iido ah, Wasaaradii dalka caafimaadka u qaabilsanayd-na ogayn waxa uu khasaare gaystay waa ayaan-daro in maalin walba tallaal la garanayn in dawadiisu dhacday iyo in kale shacabka la siiyo,”ayuu yidhi Sadiiq Maxamed oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa. Hooyo Aamina Ismaaciil Jaamac oo ka mid ah dad weynaha Hargeysa, ayaa sheegtay inay carruurteeda u ogolayn inay tallaasho, waxaanay tidhi, “Anigu carrurtayda wax tallaal ah oo aan gaynayaa ma jirto. Haddii dadka wax tallalaaya ay yimaadaan xaafadahayaga waanu la dagaalamaynaa oo ma ogolin dawooyinka dhacay ee iyada oo aan la eegin ubadkayaga la siinayo. sababtoo ah waxay ku keenikartaa khatar caafimaad-darro oo qofka yar ee aad talaasho waxa uu noqonayaa mid u nugul cudurada kale haddii dawo la is-kaga guro. Waxa maanta carruurtii waddanka la siinaya adawo dhacday iyo tallaal Ir-bado biya ah oo waqtigeedii dhacay. Markaa waxaanu ka cabanaynaa dhalinyaro aad u dayar oo la odhanaaya carruurta soo tallaala oo aan Iskuulada dhexe dhamaysan iyo qaar aan aqoon u lahayn dawooyinka.” Idir Saleebaan Maxamed “Anigu waxaan sheegayaa wax runaoo aan u soo taagnaa. Waxa dhacday inan yar oo aan dhalay ayaan saddexdii galabnimo ka tagay isagoo caafimaad qaba oo aan xannuun yarna hayn, dabadeed waxa gabadhaydii u yimi dhalinyaro rag iyo hablo is-kugu jira markii ay gurigaygii ku garaceen ayay tallaaleen inan yar oo aan dhalay oo dadiisu ahayd shan jir, ka dib waxa la siiyay tallaalka saddexda dhibcood ah. In yar ka dib hooyadii ayaa igu soo qaylisay oo tidhi waar innankii yaraa wuu liitaa ee ii soo carrar. Markii aan dhakhtarka geeyayna nafta ayaa ka dhacday waxaanu go’ay lixdii galabnimo, markaa anigu waan ka ilaalin jiray tallaalka carruurtayda, laakiinse maalintaas oo kaliya ayay talaashay qof ay dhashay, immikana lama tuso tallaalka. Wasiirka caafimaadka Somaliland Xagla-toosiye, wasiirka ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha iyo Masuuliyiinta Wasaarada iyagu carruurna dan kama laha oo Maraykan iyo Yurub ayay geyeen ubadkoodii, laakiinse waxa u dan ah lacagta yar ee ay ka qaadanayaan ha’yadda UNICEf ee maanta ubadkeenii dawooyinka dhacay siinaysa.” Idiris waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyey.“Carruurtayadii anaga oo ka maqan oo rali ka ahayn ayaa guryahayagii naloo soo daba marayaa oo dhalinyaro yar-yar oo suuqa laga soo ururiyay ayaa la odhanayaa carruurta ku soo muda ama tallaalka ir-badaha ah ama ka dhibcaha ah, kuwaas oo carruurtii hadday doonaan ka mudaaya xidid sababi-kara inay u curyamaan ama gacantuba baqtido oo halis galin-kara caafimaadkooda.” Hooyo Deeqa Maxamuud Jaamac oo ka mid ah hooyooyinka ku nool caasimada Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqday inuu wax ka qabto ha’yadda UNICEF oo ay ku eedaysay in carrurta dalka Somaliland u soo waarido dawooyin dhacay, waxaana ka mid ahaa hadalkeedii sidan,“Madaxweynahayaga Axmed Siilaanyo waxaanu ka codsanaynaa inuu wax ka qabto ha’yadda UNICEF oo carruurtii sida cuntada u siinaysa dawo aan laga baadhin, shaqaalaha tallaalka qaadana ku odhanaysa xoog ku gala xaafada. Waxaana taas ka daran in dadka loo soo dhiibo tallaalka marka lagu diido waxay ku qubayaan suuliyaasha xaafadaha ama meelaha muska leh, waxaana dayacday Wasaaradii dalka caafimaadka uga masuulka ahayd. Ha’yadda UNICEF oo la og-yahay inay maalin walba shaqaalaha qaada tallaalka ee masaakiinta ah ka dhacdo oo musuq-masuq caadaysatay madaxdeedu inay tallaal aan kala joogsi lahayn ooda kaga soo qaaday umaddii oo aan ciddi eegayn. Afar boqol oo Carruura ayaa dalka Libiya ugu dhimatay tallaalka, waxaana lagu muday cudurka dilaaga ah ee eedhiska, markaa wax aynu aamini-karno maaha.” Dhinaca kale Wariye ka tirsan Wargeyska Ogaal oo khamiistii iyo Arbacadii tagay Wasaarada Caafimaada oo uu doonaayey inuu wax ka waydiiyo tallaalkan la sheegay inuu dhaafay waqtigii loogu talo galay, ayaa Wasaarada iyo xafiisyada masuuliyiinta sida Wasiirka Wasaarada caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas ayaa gabi-ahaan-ba ka soo xaadirin Xafiisyada Wasaarada caafimaadka ee ay fadhiistaan oo albaabada loo xidhay. Isla markaana Wariyaha katirsan Wargeyska Ogaal oo Xog-haynta Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiir ku-xigeenka Nimco Qawdhan waydiiyay halka ay ku maqan yihiin iyo masuuliyiintii kale ee Wasaarada Caafimaadka ayaa u sheegtay inay masuuliyiintaasi soo shaqo tagin oo aanay war ka hayn halka ay ku maqan yihiin. Inkastoo ilaa shalay (doraato), iyo xalay-ba aanu khadka Telifoonka kula xidhiidhnay, balse nasiib-daro labda Wasiirka iyo ku-xigeenkisa oo labadooda Tilifoon-ba naga qaban waayey, halka Agaasimahana uu xidhnaa Tilifoonka gacantiisa.
Ogaal