Dadweynaha Somaliland Oo soo dhaweeyay go’aankii lagu xayiray UNIVERSAL Tv.

Dadweynaha Somaliland Oo soo dhaweeyay go’aankii lagu xayiray UNIVERSAL Tv.
Universal-TV 1

Qaybaha Bulshada Somaliland ee Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa maanta muujiyey sida ay u taageersan yihiin go’aankii xukuumadda Somaliland ka qaadatay mas’uuliyad daradii uu la yimid Television-ka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal oo laga leeyahay dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.

Dadweynaha somaliland waxay sheegeen in go’aanka xukuumaddu yahay mid geesinimo leh oo qayb ka ah difaaca qaddiyadda Somaliland isla markaana lagaga hotegayo in la dhaawaco maamuuska iyo astaanta qarankani leeyahay.
Qaybo ka tirsan bulshada caasimada Somaliland ee hargaysa ayaa ku tilmaamay shaqada Telefishinka Universal inay tahay mid ay ka muuqato aqoon la’aan ka haysata anshaxa saxaafadeed ee caalamiga ah, isla markaana u muuqata caqabadaha lagu wiiqayo horumarka ay somaliland hiigsanayso.
dadweynaha Magaalada Burco ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in TV-ga Univetsal uu ku xadgudbay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, isla markaana caadaystay wax ka sheega madaxda qarankani leeyahay oo ah astaantii qaranka,
Dadweynaha magaalada boorame ee xarunta Gobolka Awdal ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda Somaliland go’aankii ay ka qaadatay Televisionka Universal oo ay ku tilmaameen inuu caadaystay ku xadgudubka qaddiyadda Somaliland.
Weriye Abokor Xasan caafi oo wax ka weydiiyey dadweynaha deegaankaasi rayigooda ku aaddan mamnuucistii ay wasaaradda warfaafinta ee JSL saartay TV-ga Universal ayaa dadweynuhu ku muujiyeen sida ay u taageersan yihhiin go’aanka lagu joojiyey shaqadii TV-gaasi ka hayey gudaha Somaliland dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyin ka mid ah gobolada Sool iyo sanaag oo iyana la soo xidhiidhay wakaaladda wararka somaliland ee SOLNA ayaa tibaaxay in farogelinta qaawan ee Television-ka universal ku samaynayo jamhuuriyadda somaliland ay tahay mid ay u adeegsanayaan dhinacyo kale, lama huraana ay tahay in lagu ciqaabo waxyeelada ay ku keentay khibrad yaraanta haysata shaqaalaha iyo maamulka ka hawlgala Telefishinkaasi.

Laaqalo