Dagaal Laga Cabsi-qabo Inuu ka Qarxo Deegaanka Kalshaale, Ciidamo Beeleedyo La Soo Dhoobay MAYGAAGLE iyo MASKAX-BUQLE Iyo Ciidamada Qaranka Oo Talaabo Qaadin

Kalshaale 2Dagaal Laga Cabsi-qabo Inuu ka Qarxo Deegaanka Kalshaale, Ciidamo Beeleedyo La Soo Dhoobay MAYGAAGLE iyo MASKAX-BUQLE Iyo Ciidamada Qaranka Oo Talaabo Qaadin
Kalshaale 1

Hargeysa, 12 Feb 2014 (Salaanmedia.com)-Deegaanka Kalshale, ayaa waxa ka taagan xaalad colaadeed oo muddooyinkii u dambeeyay ay halkaas isku horfadhiyeen laba beelood wallaalo ah oo wada degan Magaalooyinka Buuhoodle iyo Qoori-lugad. Isla markaana Axadii todobaadkan aynu ku jirno ee 09b February 2014-ka ayaa dagaal ku dhex-maray deegaanka Maskax-buqle oo dhinaca bari kaga began Kalshaale, taas oo la tilmaamay inuu dagaalkaasi ku geeryooday Alle ha u naxariistee Marxuum Xiis Xuseen Aw-xasan, halka uu ku dhaawacmay

Kalshaale

Saleebaan Cabdi (A-jeex), ka dib markii maleeshiyaad hubaysan oo ay isku dayeen inay qaadaan geel daqaayey Maskax-buqle oo ah duleedka Khalshaale. Wargeyska Ogaal oo xalay khadka Telifoonka kula xidhiidhay dad ku sugan deegaanada Kalshaale, ayaa u sheegay in halkaas ay ka jirto san-saan coladeed oo qarka u saaran inuu dagaal ka dhaco, kuwaas oo tilmaamay in ciidamada qaranka eek u sugan deegaamadaasi wax talaabo ah qaadin oo ay isku dawanayaan xaalada laga baqaayo inay qalalaase ka dhaco deegaamadaasi. Goob joogashaada Wargeyska Ogaal uga waramayey colaada ka soo cusboonaatay Kalshaale, ayaa sheegay in nimanka dagaalkii hore ku dhintay ay ka soo jeedeen beesha degta Qori-lugad iyo deegaanka Kalshaal oo la yidhahdo Salamadow oo ka mid ah beelaha Habar-jeclo, kuwaas oo la tilmaamay inay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka soo jeeda beelaha Buuhoodle oo doonaayey inay qaadaan geel daqaayey Maskax-buqle ee deegaanka Kalshale. Halka la sheegay in labada beelood ee wallaalaha ah ee wada degan deegaankaasi ay ciidamo beeloodyo halkaas soo dhoobeen. Waxa kale oo wararku intaas ku darayaan in beesha degta Buuhoodle ay ciidamo beeleedyo soo dhoobtay Maygaagle, halka kuwa kalena ee ka soo jegta Quri-lugad ay iyaguna ciidamo beeleedyo ku ururiyeen Maskax-buqle, waxaana la tilmaamay in goobaha la keenay ciidamo beeleedka ay isu-muuqdaan. Dadka ku dhaqan deegaanada u dhow Kalshaale ayaa Wargeyska Ogaal u sheegay in xaalada cakiran oo kacsan ay halkaas ka jirto, gurmad badana oo labada dhinac ahna ka imanaayo magaalada Buuhoodle iyo Qori-lugud, balse dhinaca kale wararku waxay intaas ku darayaan in ragga ay ku barooranayaan haweenka halkaas ku sugan oo ay hurinayaan colaada. Sidoo kale waxa la sheegay in maleeshiyaadka lagu ururiyay deegaanka Maygaagle ay wataan gadiid ay ka mid yihiinTiknikada dagaalka oo quryo saaran yihiin. Inkastoo laga dayriyey ammaanka halkaas ayaa ilaa iyo hadda ma jirto wax waan-waan ah oo laga wado labada dhinac iyo xukuumada oo ilaa hadda aan wax talaabo ah qaadin. Dhinaca kale ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaamada kalshaale ayaa wax talaabo ah qaadin, iyadoo la sheegay in laga cabsi qabo dagaalka kale oo halkaas ka dhaca, haddii aan wax talaabo ah la qaadin. Hase yeeshe goobta xaada cakiran ka taagan tahay ee deegaanka kalshaale ayaa ah goob dhawr sannadood ooh ore uu ka dhacay dagaal, kaas oo ay dawladu ka soo saartay go’aan ah in bulshada xoola-dhaqatada ah eek u nool deegaankaasi ay wax baraago ah ay ka qodi-karin. …

Ogaalnews.