Dawlada Madaxweyne Siillaanyo oo sii Curyaamisay Garsoorka Somaliland, Qalinkii: Qareen farxaan faarax jaamac

Dawlada Madaxweyne Siillaanyo oo sii Curyaamisay Garsoorka Somaliland, Qalinkii: Qareen farxaan faarax jaamac
MAXKAMAD-70x66

Xiligii gumaystuhu wadanka ka talinayay wuxuu isku daray habkii dhaqanka ,traditional System,iyo habka dawladnimo ee casrigaa.

Markaad dib u raacdo garsoorka somalilnd ilaa xiligii Madaxbanaanida, wuxuu soomaray Marxalado kala duwan, iyadoo dadka S/land degani gumaystaha ka hor ay ku xalisan jireen arimahooda hab-dhaqameed soo jireen ahaa,oo imikana caalamku ku xalisto khilaafaadkooda,loona yaqaan afka qalaad ’Alternative dispute resolution Method’,iyagoo isticmaali jiray hababka kala duwan ee habkaasi jidaynayo oo dhan ku waasoo kala ah:- 1.Negotiation – oo ah in dhincyada khilaafku ka dhexeeyo ay iskood u wada hadlaan ugan wada xaajoodaan arimahooda iskood. 2, Mediation- dhexdhexaadin, iyadoo dhinacyada dhinac 3aadi uu dhexdhexaadinayo.
3. Arbitration-u garqaadis,iyagoo loo magacaabayo gudi tiro dhiman ah dhinacyada oo ay kalsoonina siiyaan dhinacyadu IWM.
Xiligii gumaystuhu wadanka ka talinayay wuxuu isku daray habkii dhaqanka ‘traditional System’iyo habka dawladnimo ee casrigaa ‘System of Government’.iyadoo
xiliyadii ay soo dhawaatay Madax-banaanidu uu usoo tababaray gumaystuhu garsoorka S/land shakhsiyaad tira yar oo aqoontooda iyo anshaxooduba aw aad u sareeyay, hadaba iyadoo arimuhu sidaa yihiin, hadana dadku may helin garsoor madaxbanaan oo sharciga iyo cadaymaha dacwadaha ugu soo baxa xukuma. Marka laga reebo sanadadii 1964kii -67kii, waqtigii uu raysal wasaaraha ka ahaa C/risaaq X.xuseen,oo garsoorku uu aad u wanaagsanaa iyadoo ay waqtagaa musuqmaasuqa iyo cadaalad darada la Xukumayo uu aad u yaraaday.
Waxa kale oo xusid mudan in garsoorka Umadu uu wanaagsanaa 6dii sano u horaysay dawladii ka caanka,wixii intaa ka danbeeyayna ay xoogaysatay Maxkamadihii Minatariga ee Badbaadada Qaranka.Maxkamadaha Caadigiina ay aad u wiiqmeen.
Garsoor Madaxbanaan oo ku dhisan sharciga iyo cadaymaha usoo baxa waa waxa lagu yaqaano dawladaha dimuqraadigaa, balse 23kii sano ee gooni isu taaga S/land, dadka S/land may helin garsoor madaxbanaan oo cadaalad ku dhisan sobobaha soo socda awgeed:-
1. Magacaabista garsoorayaasha oo aan inaba lagu salayn aqoontooda iyo anshaxooga.
2. iyagoo lagulana xisaabtamin hawshooda iyo anshaxooda.
3. Is faham weyn oo ka dhexeeya jaranjarooyinka kala duwan ee Garsoorka oo ay ku jiraan gudiga cadaaladu,iyagoo ahaa kuwii kula xisaabtami lahaa shaqadooda Anshaxna marin lahaa.
4. Iyaagoon ku salayn go’aamadooda sharciga iyo cadaymaha kiiska horyaal.balse ku saleeya go’aamadooda Mabaadiida wax iswaydaarsiga ee ay dhinacyada la yeeshaan.
5. is dhexgal weyn oo ka dhexeeya Xafiisyada X/Ilaalinta (Qareenka dawlada ee dhinaca Ciqaabta),iyadoo inta badana ay hogaamiyaan X/ilaalintu dacwadaha ciqaabta ,iyadoo taasina kuu cadaynaysa madaxbanaani la’aanta garsoorka.
6. Burbur ku yimid Nidaamka waxbarasho ee qaranka,iyadoo taasina sobobtay,in shahaadooyinka loo buuxbuuxiyo, la iskana siiyo dadka,iyadoo taasina baabiisay tayadii saraakiisha dawlada oo uu garsoorkuna ku jiro.
7. Magacaabista iyo eryista Gudoomiyaha iyo garoorayaasha maxkamada sare oo loo eego arimo siyaasadeed, balse aan loo eegin aqoontooda iyo hawl kar nimadooda.
8.In kastoo haayadaha Caalamigu sida UNDP ay si weyn u caawisay,sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo tayada garsoorka S/land ,balse waxuu ku dambeeyeen mashaariicdaasi gargaarku hal bacaad lagu lisay,iyadoo sobobta ugu weyna lahaayeen haayadaha maxaliga ee loo xilsaaray inay maamulaan arinkaa oo sixun u maamulay awgeed.
9. iyadoon xukunada dhaqan- galay ee dhamaystay jidadka fulinta aan la fulinayn,iyadoo taasina sobobtay in kalsoonidii dadweynuha Maxkamada ku qabeeni ay lunto.
Gabagabadii waxan tala ahaan ku soo jeedinayaa
1. in garsoorka loo madaxbanaaneeyo hawshooda.
2. in waaxda fulintu ay u magacoodo gudoomiyaha maxkamada sare nin aqoon badan sharciga u leh islamarkaana anshax suuban,si isna usoo magacaabo gudi cadaaladeed oo hawl kar ah aqoon iyo xirfad sarana u leh waxay qabanayaan, islamarkaana Anshax wanaagsana kulana xisaabtami kara garsoorayaasha maxkamadaha rafcaanka gobolada,kuwa gobolada iyo dagmoyinka hawshooda.
3. in golaha wakiiladu marka la horkeeno iyaga oo wadaniyadi ku jirto ay aad u fiiriyaan,islamarkaana iyagoo ka baraandagay gudiga tala bixintu waxay soo celiyeen ay u ansixiyaan ama u diidaan ansixinta hadba gudoomiyaha maxkamada sare cida loo magacaabayo ama laga eryayo xafiiska.
4. Waaxda fulinta waxa saran in ay wax ka qabato waxbarshada sare ee dalka ee burburka ku yimid,iyadoo taasina sobobtay in ay waxbarashadii hoose iyo tayadii saraakiisha,shaqaalaha dawlada iyo hayadaha kale ee gaarka loo leeyahay saamayn ku yeelatay,hoosna udhigtay waxqabadkoodii.
5. in la hawl galiyo xeerarka anshaxa garsoorayaasha iyo X/ilaalinta sida 1.Xeerka nidaamka garsoorka
2. Xeerka anshaxa Garsoorayaasha, ku waasoo miisaska iska yaala.

Qalinkii: Qareen farxaan faarax jaamac.
Deniko2010@hotmail.com