Dawlada Somalia Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Amni Darada Ka Taagan Muqdisho

Dawlada Somalia Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Amni Darada Ka Taagan Muqdisho
SOOMALIA AMARO

Muqdisho, February 24, 2014 (W.Wararka) (Salaanmedia.com)- Raysal wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo gudoominayay shir aan caadi ahayn oo habeen hore lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somalia oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorshaha dhinaca amniga ee dawlada Somalia iyo sidii looga hortagi lahaa falalka argagixiso ee kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay ku hayaan shacabka Somalia.
Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Somalia, iyadoo xukuumaddu ay tacsi u dirtay ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarkaas.
Kulankan ayaa laga soo saaray saddex qodob oo kala ah:
1. Waxa la magacaabay guddi heer wasiir ah oo loo saaray inay baadhitaan ku sameeyaan falkii doraad lagu weeraray madaxtooyada Somalia, guddidaa oo loo qabtay inay saddex maalmood gudahood kusoo bandhigaan faahfaahin la xidhiidha sida ay wax u dhaceen, kaddibna ay u soo bandhigaan shacabka Somalia.
2. Goluhu wuxuu faray wasaaradaha Amniga Qaranka, gaashaandhigga iyo hay’adaha hoos-yimaada inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan weerarrada argagixisadu ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
3. Xukuumaddu waxay ay go’aan ku gaartay qorshe ballaaran oo lagu howl-galinayo dhammaan qaybaha bulshada, maamullada degmooyinka, gobollada iyo hay’adaha amniga heerarkooda kala duwan. Waxaa howl-gelintan ay billaabanaysaa barito oo taariikhdu ay ku began tahay 23-ka Feberaayo, 2014.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyad weyn siin doonto amniga shacabka, isla mar ahaantaana ay go’aanno adag ka qaadan doonto sidii looga guulaysan lahaa nabad-diidka iyadoo la kaashanayo shacabka Soomaaliyeed.

L Q L