Dawladda Somaliland Iyo Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Saraakiil Alshabaab ah Ku Soo Qabtay Gobolka Sool.

Dawladda Somaliland Iyo Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Saraakiil Alshabaab ah Ku Soo Qabtay Gobolka Sool.
breaking-news1

Xidh xidh(Salaanmedia.com) Xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waaberigii deegaanka Xidh xidh ee Gobolka Sool ku soo qab qabtay saraakiil Al-shabaab ah oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo qaabilsan Amniyaadka Amiir Godane oo la yidhaahdo C/laahi Maxamed Axmed (Carabay).

Warar lagu kalsoon yahay oo la xidhiidha dhinaca Sirdoonka ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in hawl gal balaadhan oo Ciidamo Somaliland iyo kuwo Itoobiyaan ahi ay xalay waaberigii ka fuliyeen deegaanka Xidh xidh ee xudduudka Buuhoodle ku soo qab qabteen saraakiishan, kadib markii ay iskuweer ka qabteen deegaankaas oo ay beryahanba ku dhuumaalaysanayeen Kooxdani.
Wararka hordhaca ah ee Farriinnews.com soo gaadhaya ayaa sheegaya in sarkaalkan Al-shabaab ka tirsan la soo qabtay isla markaana loo soo dhaadhicinayo dhinaca Hargeysa oo lagu xidhi doono.
C/laahi Maxamed Axmed (Carabay) oo ay walaalo yihiin Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiiladda waxa uu deegaankaasi ku sugsnaa in muddo ah isagoo la sheegay in wadahadal dhex maray isaga iyo xukuumadda Somaliland isla markaana uu ku doonayey in uu isku soo dhiibo balse hadana waxa la sheegay in ay caqabad ka hor timi wadahadalkoodaasi, kadibna uu bur buray.
Carabay ayaa lagu tiriyaa Saraakiisha Aminiyaadka Ciidanka gaarka ah ee Amiir Godane isla markaana waxa lagu eedeeyaa inuu ahaa maskaxdii ka danbayn jirtay Dilalkii iyo weeraradii is-miidaaminta ahaa eek a dhici jiray Laascaanood kuwaas oo galaaftahy nafo badan.
Ilo wareedyo kale, ayaa sheegaya Carabay in uu ka soo goostay Kooxda Al-shabaab isla markaana intii uu ku sugnaa Xidh xidh uu ahaa firdhad ka soo caagay in uu isku dhiibo Kooxdii uu ka tirsnaaa oo khilaaf soo kala dhex galay darteed is khaarajin isugu abaal guday.
Si kasta ha ahaatee ilo wareedyo u dhuun daloola Hawl galka lagu soo qabtay ayaa sheegaya in ay hagayeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Maraykanka, kuwaas oo Ciidamada Somaliland iyo kuwa Itoobiyaba kala qayb qaatay.
Deegaanka Xidh xidh ayaa maalmahanba looga shakisnaa kooxdani in ay doonayso in ay ka abuurto saldhig isku xidha Al-shabaabta Buuralayda Gal-gala iyo Koonfurta Somaliya si sahay iyo Zaad-ba ay u marsadaan

(Laaqalo)