Deegaanka Baraagaha: Mucjiso Layaab Leh Oo Ku Habsatay Qoys Xoolo Dhaqato Ah

Deegaanka Baraagaha: Mucjiso Layaab Leh Oo Ku Habsatay Qoys Xoolo Dhaqato Ah
Braagaha

Baragaaha-Qol, 17 Feb 2014 (Salaanmedia.com)- Mucjiso layaab leh ayaa ku dhacday Qoys ku dhaqan Degaanka Baraagaha Qol oo qiyaastii 35km Waqooyi ka xigta Degmada Dhahar ee bariga Somaliland. Dhacdadan naxdinta leh oo la sheegay inay tahay dab Ololaaya oo samada ka soo dhacaaya, waxaanu ku dhacayaa Odayga ka masuulka ah Qoyskan xoola-dhaqatada ah oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Aw-raage, kaas oo sida warku sheegay kaligii gubanaaya, halka xerada xoolihiisana uu dabkaasi ololinayo.
Sida dad goob joogayaal ah u xaqiyeen xalay Wariyaha Wargeyska Ogaal, Burco U Jooga C/Khaalaq Diiriye Budhle ma jiro khasaare nafeed iyo mid xoola toona, hase ahaatee gurmad loo fidiyay qoyskaas, ayaa wax isbadel ah ku guulaysan. Warku wuxuu sheegayaa in markii loo gurmaday Qoyska dhibaatadu heshay biyo lagu bakhtiin kari waayay, balse uu iskii u bakhtiyay, sida laga soo xigtay Carruur uu dhalay Odayga Qoyskani muddo laba bilood ahayd ayaa waxa ku da’aayey Odayga magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xasan Aw-raage roob u gaara ayaa isaga ku dul-da ‘aayey, kaas oo sida carruurtu xuseen in baafafka dharka lagu maydho ay u dhigeen roobkii ku dul-da’aayey, biyihiisuna ay ka macanayeen biyaha caadiga ah, balse waxay arrintu is-badeshay markii saddexdii maalmood ee u dambeeyay roobkaasi isu-badelay dab ololaaya oo si gaara u bar-tilmaamaysanaaya ninkaas iyo xoolihii qoysku lahaa. Sidoo kale

Odaygaas Carruurta uu dhalay iyo goob joogayaasha, ayaa tilmaamay in dabkaas ku kooban yahay, had-ba meesha uu ku sugan yahay Odayga, xoolaha iyo wixii agab ah ee reerku leeyahay, iyagoo sheegay in dad weynahaas xoola-dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaankaas miyiga ah ee qoyskaasi degan yahay ay an-fariir iyo naxdin ka qaadeen mucjisada rabaaniga ah ee ku habsatay Odayga Qoyskaas.

Ogaal news