Diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo Yurub lagu afduubay iyo mid ka mid ah wadayaasha oo loo xidhay

Diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo Yurub lagu afduubay iyo mid ka mid ah wadayaasha oo loo xidhay
DIYAARADDA

(Salaanmedia.com)_Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switserland kaddib marki la afduubay.
Boliiska Switzerland ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan oo ay leedhay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya.
Mid ka mid ah wadayaasha diyaaradda oo 30-jir ah ayaa loo xiray afduubkan, isagoona la wareegay isteerinka diyaaradda xilli darawalkii kale uu musqusha aaday.
Diyaaradda ayaa saacado badan oo ay dul wareegeysay hawada ayaa ugu dambeyn lagu dajiyay magaalada Gineva, waxaana ay boolisku sheegeen in ay nabad qabaan rakaabka.
Waxaa haatan xiran gegida diyaaradaha Geneva ee ay diyaaraddu ku degtay.
Diyaaraddu waxaa saarnaa ugu yaraan 200 oo ruux, shirkadda diyaaradahana waxay sheegaysaa in caafimaadkoodu uu wada fiican yahay.
Wargayska Tribue de Geneva ayaa sheegay in diyaaradda la afduubay markay dul maraysay hawada dalka Sudan.
Ninka wax afduubay ayaa la sheegay in uu magangalyo doon ahaa oo uu qoxootinimo raadinayay.
Ilaa haatan lama garanayo sababta diyaaradda loo afduubay, lakin warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in mid ka mid daka wax afduubay uu yahay qof magangelyo doon ah.

L Q L