Dowladda Itoobiya Oo Switzerland ka Dalbatay in lagu Soo Wareejiyo Kaaliyihii Afduubay Diyaarada Itoobiya

Addis-Ababa(salaanmedia.com)-Dowladda Itoobiya, ayaa waxay dalbaneysaa in lagu soo wareejiyo ninkii qafaashay diyaarada dalkaasi laga lee yahay ee (Ethiopian Airlines). Ninkaa oo iminka u xidhan Dowladda Switzerland.
DIYAARADA

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 30 sano jir, laakiin aan la shaacin magaciisa, ayaa Dowladda Switzerland ka dalbaday in ay magangalyo siiso, kahor intii aanu diyaaradu ka dejin Magaalada Geneva.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Itooiya Ridwaan Xuseen, ayaa Dowladda Switzerland ugu yeedhay in ay ku soo wareejiso, kaaliyaha duuliyihii diyaarada Itooiya ee la qafaashay.

Wasiirka, ayaa ku waramay in ninkaasi uu ku kacay fal dambiyeed, isla-markaana uu heystay Sharci uu isaga dhiibi karay sida uu sheegay dalalka Qaaradda Yurub. Haddii buu yidhi uu Yurub doonaayay.

Sidoo kale wuxuu carab dhabay inaanay jirin sabab uu maanta ninkaan u afduuban karay, diyaarada laga lee yahay dalka Itoobiya, ee xilligii uu afduubanaayay ku sii jeeday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Ilaa iyo hadda Booliska Switzerland wax war ah kama soo saarin, waxa ay ka yeelayaan afduubaha, oo maalintii shanaad ku xidhan Magaalada Geneva.

Wasiirka, ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Addis Ababa

Laaqalo