Fadhiga Badan Oo Khatar Ku Ah Dadka Waaweyn Caafimaadkooda

Fadhiga Badan Oo Khatar Ku Ah Dadka Waaweyn Caafimaadkooda
Fadhiga Badan

Waqtiga badan oo aad ku qaadato fadhiga ayaa laga yabaa inay khatar ku tahay caafimaadka dadka waaweyn ee 60sano ka weyn ama ka yar,waxaana loo baahanyahay jimicsi badan,sida lagu sheegay daraasad ay samaysay dowladda dalkaasi Maraykanka. Jaaniska inuu qofka ku noqdo curyaan ayaa laba lab noqda saacad kasta oo aad fadhido,ayaa lagu sheegay daraasadani oo ay samaysay ururka caafimaadka iyo jimicsiga jidhka. dumarka ay da’doodu tahay 65 jir, ayaa 12saacadood oo fadhiya sameeya maalintiiba halka qaarna ay ka badan yihiinba.
Curyaamida ayaa lagu sheegay inay keento adigoo xadida jimicsiga jidhku u baahan yahay sida cuntada,dhar gashiga,meydhashada,iyo ku dhex socida aqalka dhexdii.
Daraasadan ayaa laga tijaabiyey dad gaadhaya 2,286 oo ay da’doodu ahayd 60 jir ama ka weyn oo ay samaysay hay’adda caafimaadka iyo nafaqada.
“waxay macnaynaysaa in dadka waaweyn ay u baahan yihiin inay yareeyaan waqtiga ay siiyaan fadhiga,ama Tvga hortii ama isticmaalka Computerka,waana inay sameeyaan jimicsi marwaliba,ayaa lagu sheegay daraasadaasi.