Fadhigii Golaha Wakiiladda Oo ku furmay Jawi Jaahwareer ah, Dalabkii Guurtida iyo Talaabadii Guddoomiye Cirro

Fadhigii Golaha Wakiiladda Oo ku furmay Jawi Jaahwareer ah, Dalabkii Guurtida iyo Talaabadii Guddoomiye Cirro
ziilan iyo hirsi

Hargeysa, 09 Feb 2014 (Salaanmedia.com)- Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay ku furmay jawi xaasaasiya oo ka duwan fadhiyadii hore ee Xildhibaanada aqalka Baarlamaanka Somaliland. Isla markaana waxa fadhiga ka soo dhex-muuqday labada Guddoomiye ku-xigeen Baashe Maxameds Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed oo Golaha ugu dambaysay 17 Janaury 2014-ka oo ay mudanayaasha Golaha Wakiiladu ansixiyeen xeer rifay awoodaha labada Guddoomiye ku-xigeen, korna u qaaday awoodaha Guddoomiye Cirro. Iyadoo mudanayaashu intooda badani ay ka soo xaadireen fadhigaas, ayaa waxa mar kaliya is badelay jawiga Golaha wakiilada, ka dib markii xildhibaanada qaar ka mid ah afku ka duulay, markii xaalada Goluhu isu-badeshay jawi jaah-wareer ah waxa u soo gurmaday Odayaasha aqalka guurtida. Halka Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali iyo Xildhibaano ka tirsan aqalka Odayaasha, ayaa gudaha u soo galay fadhigii mudanayaasha, baajiyayna Fadhigii Golaha. Fadhiga ayay isku hayeen Xildhibaanada Kulmiye oo Mooshin watay iyo kuwa ka soo hor-jeeda oo iyaguna watay Mooshino ka dhan ah xeer hoosaadka Golaha. Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa is-bedal ku sameeyay Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada iyo Guddi cusub oo uu sameeyay, isla markaana xildhibaanada oo qaar ka mid ah ayaa ka cadhooday waraaqda Guddida joogtada iyo anshaxa Golaha wakiilada ee isbadelka uu ku sameeyay Guddoomiye Cirro. Magacyada laga bedalay Guddida, loona badelay oo kala ah sidan:- Axmed Barkhad Obsiye Guddida joogtada iyo Guddida gadiidka, anshaxa iyo gadiidka. Axmed Faarax George Guddida gaadiidka. Ibraahin Caraale Cabdi Guddida joogtada iyo gadiidka. Cali Maxamed Aadan (Cali Bare), Guddida joogtada iyo gaadiidka. Cabdillaahi Xuseen Cige Guddida joogtada, gadiidka, anshaxa iyo waddooyinka. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Guddida dastuurka iyo gaadiidka.
Wakiilada 1

Khadar Aadan Xuseen (Ambasadoor), Guddida dastuurka iyo gadiidka. Xamse Maxamed Gaadaweyne Guddida arrimaha dufaaca iyo nabad sugida. Cabdicasiis Aw-cali Shabeel Guddida ilaalinta gudaha difaaca hantida nabad sugida. Hase yeeshe waxa la sheegay in xildhibaano ka mid ah xisbiga Kulmiye xalay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), u shiriyay gurigiisa magaalada Hargeysa, lamina oga natiijada ka soo baxday shirkaas. Waxaanu kullankaasi shalay ku dhamaaday natiijo la’aan.

Wakiilada 2

Ogaalnews