Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay Dawlad Wadaag ah In La Dhiso Haddi Doorashooyinku Dib U Dhacaan

Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay Dawlad Wadaag ah In La Dhiso Haddi Doorashooyinku Dib U Dhacaan

faysal
Hargeysa(Salaanmedia.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqway in aan maalin loo kordhin doonin Xukuumadda haddii ay dib u dhacaan Doorashooyinka soo socda.
isagoo taas bedelkeeda cadeeyey in dawlad wadaag ah la dhisi doono.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay Xilligii Xukuumadda in ay ka hadhay sanad iyo Sadex Bilood, isagoo ku baaqay muadadaas in la qabto waxayaabaha qabyada ah ee ka hadhay Doorashada, isla markaana aan mugdi la galin mustaqbalka Dalka.
Faysal Cali waraabe waxa uu sidoo kale Golaha Wakiiladda ugu baaqay in ay Caqliga ka shaqaysiiyaan isagoo tilmaamay sadexdii sano ee hore in ay ku mashquulsanaayeen xidhiidhkii ay Xukuumada la lahaayeen imikana Dalka ay ku mashquulinayaan khilaafkooda.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay ka xisbi ahaan in ay in badan ka qaylyi jireen muxaafidnimada Golaha Wakiiladda, imikana ay ku baaqayaan in faraha looga qaado shaqadooda haddii ay dib isku canaanteen oo ay garteen shaqadoodii.
Guddoomiye Faysal oo hadaladan ka jeediyey munaasibad Abaal marino lagu Gudoonsiinayey koox Suxufiyiin ah oo ku guulaystay Abaal marino ay Qaramada Middoobay bixinayeen ayaa ka digay Wadaadada Siyaasiyiinta noqday iyo Suxufiyiinta Xukuumadda ku biiray, waxaanu ku tilmaamay labadooda inaan loo maaro helin dhibtooda.
Ugu danbayntii Faysal Cali Waraabe waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in aanay Dadka ku jihayn muran maalin walba taagane ay usoo jeedsato Cadawga weerarka ku ah ee hadimada maalin kasta la daba taagan.

L Q! L