Gabadh U Dhalatay Sucuudiga Oo Dacwaysay Haweenay La Jaar Ah Oo Ugu Yeedhay Addoon (slave)

Gabadh U Dhalatay Sucuudiga Oo Dacwaysay Haweenay La Jaar Ah Oo Ugu Yeedhay Addoon (slave)

68sucuudi

Gabadh u dhalatay dalkaasi Sucuudiga oo shaqadeedu ay tahay Wadida Diyaaradaha (Pilot) oo madow ah ayaa dacwaysay gabadh ay jaar yihiin kadib markii ay ugu yeedhay iyada addoon (slave), labadan dumar ah ayaa jaar ah isla markaana aaladda internet-ka bayjkeeda Twitter ka saaxiib ku ahaa, waxayna tidhi waxan rajaynayaa inaan kaga guulaysto kiiskani maxkamadda gabadhan I weerartay.
Gabadha ayaa lagu magacaabaa Nawal Al Husawi, ayaa ka mid ah gabdhaha tirada yare ee u dhashay dalakasi Sucuudiga ee kaxeeya dayuuradaha, taas oo sheegtay inay aflagaadeeysay gabadh aan la garanayn laakiin magaca pagekeeda aaladda Twitterka uu ahaa Abda (addoon).
“Kiiskan ayaan xareeyey waana dacwaynayaa gabadhan sababtoo ah waxaan doonayaa inaan la tacaalo dhibaatadan soo noqnoqonaysa ee midabtakoorka ah dalkan Sucuudi Arabia ka jirta si ka duwan sidii hore,” ayay tidhi.
“Kiiska ayaa weli maxkamadda ka socda waana ku kalsoonahay inay natiijo wanaagsan kasoo bixi doonto anigu aad baan u aaminsanahay guddida cadaalada inay waxka qaban doonaan arrintan,” ayay tidhi mar ay la hadlaysay wargayska la yidhaah MZ qaybta website kiisa.
Gabadhan Nawal Husawi ayaa sheegtay in kiiskani ay ku jiraan arrimo badan oo la yaab leh iyo wax aan la filaynin laakiin may faahfaahinin arrimahaasi.
Webiteka wargayska qudhiisu muu sheegin halka ay ku taal maxkamadda ay ka socoto kiiskani ee dalkasi Sucuudi Arabia iyo halka ay gabadhan Husawi ka shaqayso.

Laaqalo