Gabadh Yar Oo Badbaadisay Diyaarad Kadib Markii Uu Suuxay Duuliyihii Waday

Gabadh Yar Oo Badbaadisay Diyaarad Kadib Markii Uu Suuxay Duuliyihii Waday
Gabadh yar

Gabadhan oo la yidhaah Troy Jenkins, oo 19 jir ah, ayaa sheegtay dayuurada oo 10 daqiiqo ka dhiman tahay inay ku degto gobolka la yidhaah New South Wales,ee dalkaasi Australia ayuu duuliyihii dayuurada oo la yidhaah Deerk Neville uu suuxay isagoo 61jir ahaa.
Jenkins ayaa sheegtay inay hagtay dayuuradda intii aanay dayuuradda deign,oo qoys ahaan saaxiib ay yihiin duuliyaha ayaa dayuurada ku baran jirtey madaarka gudihiisa,markii ay dayuuradda u jirtey circa 2000 oo feet oo ayna u dhowayd madaarka la yidhaah Forbes ayuu duuliyihii miyirsaday.
“si fiican u xaji dayuuradda maxaa dhib ah oo dhacay,iyadoo ay dayuuraddu kusii dhowaanaysay halka ay fadhiisato ma hubin xaqiiqadii,” Jenkins ayaa usheegtay wakaalada la yidhaah Associated Press. “ad baan u baqanayey. Waxaana ku fekerayey inaan badbaadiyo naftayda iyo naftiisa.inkastoo aanan lahayn khibrad igu filan,” ayay ku dartay.
Jenkins ayaa sheegtay inay mar qudha ay dayuurada fadhiisisaylaakiin uu la socday duuliyaha hadda kahor. Jenkins ayaa sheegtay inay aad u faraxday markii uu duuliyihii miyirsaday qadar kahor intii aanay dayuuradda degin.markii ay degtay, , Neville waxaa loo qaaday dhakhtarka la yidhaah Orange Base Hospital, oo uu ku jiray muddo todobaad ah.
Xaaskiisa oo la yidhaah Merle Neville ayaa sheegtay in lagu sameeyey scan xagga wadnaha iyo maskaxda,laakiin dhakhtaradu maynan caddayn xanuunka hayey ninkaasi. “waxaynu ka rajaynaynaa natiijo fiican inay kasoo baxaan dhakhtarada, ,” ayay tidhi xaaskiisa.