Gabadh Yar Oo Yemen U Dhalatay Oo Ilmaynaysa Dhagaxaan

115lll

Gabadh yar oo da’deedu tahay 12 jir u dhalatay dalka Yemen ayaa lagu arkay xanuun aan hore loo arag oo dhif iyo naadir ah gabadhan yar ayaa markay oydo halkii ay Ilmayn lahayd waxa ay Ilmaynaysaa dhagaxaan.
Gabadhan yar oo la yidhaa Sacdiya Maxamed Saalax ayay dhakhaatiirtu ay sheegeen in aanay wali sharaxaad ka bixin karaynin Mushkiladan ama Masiibadan, iyadoo Sacdiya aanay wax cudur ah oo hore ula soo darsay aanay jirin.
Muuqaal film ah ama video ah oo la soo galiyey YouTube-ka oo uu baahiyey Telefishanka Azal oo ku xidhan satellite-ka oo dalka Yemen laga leeyahay ayaa waxa ka muuqda dhakhaatiir ururinaysa dhagaxaan yaryar oo ka soo daadanaya indhaha gabadhan yar saacad kasta.
“Kiiska noocan ahi waa kii labaad ee qariib ama dhif iyo naadir ku ah dalka yemen” sidaasi waxa odhanaya xidhiidhiyaha Barnaamijka isla markaana ka soo waramaya gobolka galbeedka dalka Yemen ku yaala ee Hudaidah.
Hase yeeshee dad badan oo taxliilinaya arintan ayaa ku tilmaamay inay tahay mid dabiici ah oo aan la faragalin karin.

Laaqalo